4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 17, 2012
Iskahorimaad khasaare geystay oo Ciidanka Booliiska Kenya iyo Xoogag Al-shabaab Taabacsan ku dhexmaray Magaalada Mombasa

Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo uu ku jiro sarkaal sare oo ka tirsan booliiska sida milateriga u tababaran ee Kenya ayaa ku dhintay, sagaal kalena way ku dhaawacmeen kaddib iskahorimaad gallinkii dambe xalay oo Arbaco ahayd ku dhexmaray magaalada Mombasa ciidamada Kenya iyo xoogag taabacsan Al-shabaab.

Saddex ka mid ah dadka lagu dilay weerarka ayaa waxay ka mid ahaayeen koox ku sugnaa guri ay ciidamada dowladdu doonayeen inay baaraan, kaasoo la sheegay in ciidamada uu bartilmaameed ku ahaa, balse ciidamada lagu weeraray bambooyinka gacanta.

"Ciidanka booliiska oo doonayay inay baartaan guri laga shakisnaa ayaa waxaa lagu weeraray bambooyin iyo rasaasta ka dhacda qoryaha fudud, waxaa ku dhintay hal sarkaal sagaal kalena waxaa lagu daweynayaa isbitaalka, afar ka mid ah saraakiisha waxay qabaan dhaawacyo halis ah," ayuu yiri taliyaha booliiska Mombasa Aggrey Adoli oo saxaafadda la hadlay markii uu dagaalku dhacay.

Taliyaha booliiska Mombasa wuxuu intaas ku daray in ciidamadu ay toogeen saddex ka mid ah kooxihii weerarka bambaano soo qaaday tiro kalena ay qabqabteen, isagoo intaas ku daray in kooxahan oo Kenyan ah ay xiriir toos ah la leeyihiin Al-shabaab.

"Gurigii tuhunka laga qabay waxaa laga soo helay hub ay ka mid yihiin bastoolad, qori AK-47 ah iyo rasaas fara badan," ayuu yiri Adoli oo sheegay in guriga uu ku yaallo xaafadda Likoni ee magaalo xeebeedda Kenya ee Mombasa.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in afar ka mid ah inay socdaan howgallo lagu raadinayo kooxo kale oo xiriir la leh kuwa dagaalka la galay booliiska Kenya, isagoo xusay inay ku rajo weyn yihiin inay qabqabtaan dhammaan rabshaddan ku lugta leh.

Mwagomba Juma oo ah hoggaamiyaha urur dhallinyaro oo deggen Mombasa ayaa sheegay inuu maqlay laba qarax oo waaweyn iyo rasaas fudud oo u muuqatay inay ahayd mid ay laba ciidan isku adeegsanayeen xalay gallinkii dambe.

Deegaankii uu iskahorimaadku ka dhacay ayaa waxaa la dhoobay ciidammo fara badan oo Kenyan ah, kuwaasoo isku dayayay illaa saakay aroortii inay xaaladda dejiyaan, waxaana laga soo sheegayaa Mombasa xoogaa degenaasho ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya