4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 17, 2012
Shacabka ku nool Kismaayo oo sheegay inay dhac kala kulmaan ciidamada dowaldda Soomaaliya xilliyada ay Baarista Sameynayaan
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Shacabka ku nool magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose oo horraantii bishan laga qabaday Al-shabaab ayaa qaarkood waxay ka cabanayaan dhac ay sheegeen inay u geystaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee qaybta ka ahaa ciidamadii Al-shabaab kala wareegay magaaladaas.

Shacabkan ayaa sheegay in ciidamadu ay dhac u geystaan xilliyada ay guryaha baarayaan ayna ka qaataan taleefoonnada gacanta iyo lacagaha ay markaas haystaan, sidoo kalena ay jiraan isbaarooyin la dhigto waddooyinka magaalada.

"Ciidamadu waxay naga qaataan wax walba oo aan haysanno, markii ay soo galaan gurayaha, iyagoo ku andacoonaya inay baaritaanno ku sameynayaan si ammaanka loo xaqiijiyo," ayay dadkan qaarkood u sheegeen BBC-da.

Magaalada Kismaayo oo 500-km dhinaca Koonfureed kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa shantii sano ee ugu dambeysay ka talinaysay Al-shabaab, iyadoo dadka ku nool magaaladaas ay sheegeen inay qabeen ammaan.

"Dhallinyaro badan ayay ciidamadu qabteen waxayna ku eedeeyaan inay Al-shabaab ka tirsan yihiin. Runtii tani waa dhibaato kale oo aan qabno, waayo dadka dhallinyarada u badan cabsi weyn ayaa haysa," ayay yiraahdeen qaar ka mid ah dadka ku nool Kismaayo.

Sidoo kale, labadii toddobaad ee ciidamada dowladdu ay gacanta ku hayeen Kismaayo waxaa lagu toogtay dhowr qof oo shacab ah, kuwaasoo la sheegay inay qaarkood dileen rag wajiyada qarsaday oo saraakiisha dowladda ay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada dowladda ee gobolada Jubbooyinka, Jen. Ismaaciil Saxardiid oo wax laga weydiiyay eedeymahas loosoo jeedinayo ciidamada dowladda ka hadlay ayaa sheegay inay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin oo la been abuuray, wuxuuna ku adkeysay in ciidamada dowladdu aysan dhac u geysan shacabka.

Ma aha markii ugu horreysa oo eedo noocan oo kale loo Ciidamadda dowladda Soomaalida; balse dhowr jeer oo hore ayaa lagu eedeeyay ciidamada dowladda inay dhac ka geysteen deegaanno ay ciidamada dowladdu qabsadeen kuwaasoo ay ka mid yihiin degmooyinka Afgooye iyo Balcad ee ku dhow Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya