4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 16, 2012
Ciidanka Booliiska Degmada Boorame oo si hubsiimo la’aan ah u weeraray Guri ay ku noolaayeen Qoys Shacab ah
Talaado, Oktoobar 16, 2012 (HOL) — Ciidamadda Booliska magaaladda Boorame, ayaa shalay si hubsiimo la’aan ah u weeraray guri ay ku noolyihiin qoys shacab ahi, kuwaas oo dhibaato ka soo gaadhay Aabihii qoyskaasi iyo qaar ka mid ah qoyska deganaa gurigaasi.

Ciidankan booliska ayaa waxa la sheegay inuu  dalbaday maamulaha dugsiga sare ee Sheekh Cali Jawhar si ay ciidanku wax uga qabto arday iskuulka isku dhexlaysay, haseyeeshee, ciidanka ayaa beegsaday mid ka mid ah ardaydii is laysay gurigoodda, kaas oo ay ugu tageen aabihii dhalay ardayda dagaalamaysay, waxaanay xidh-xidheen intii guriga ku sugnaa, isla markaana garaacid iyo dhibaato kale ka soo gaadhay dadkii guriga joogay.

Ciidankan ayaa la sheegay inay u dhaqmeen si argagax leh, kuwaas oo rasaas ku riday guriga, inkastoo aanay cidi wax ku noqon, haseyeeshee, waxa mar dambe goobtii yimid taliyaha saldhiga oo soo eegay siday wax u dhaceen, waxaana aabihii guriga oo dhaawac ka soo gaadhay hawl-galkaasi la dhigay cisbitaalka, waxaanu taliyaha uga waramay siday wax u dhaceen iyo dhibaatadda loo gaystay Aabihii qoyska oo ka dacweeyey ciidankii gurigiisa soo weeraray.

Toddobaadkii u dambeeyey, ayaa ciidanka amniga ee Boorame hawl-gal balaadhan ka sameeyeen Boorame, kuwaas oo la sheegay inay ku daba jiraan dad laga shakisan inay ka mid yihiin xarakada Alshabaab inay dhuumasho ku soo galeen magaaaladda, waxaana maalmihii u dambeeyey aad loo baadhayey gaadiidka, iyagoo dadka la socdana aad loo fiirinayey.

Sida wararku sheegayaan Hawl-galka maalmihii u dambeeyey wadeen ciidanku, ayaa la sheegay in lagu soo qabtay gabadh Marookiyaan ah oo ka timid koonfurta Soomaaliya, balse sheegtay in nin soomaali ah oo guursday uu kaga baxsaday Soomaaliya, sidaa awgeedna magaaladda u timid nabadgalyo, kaasoo markii dambe la siidaayey, haseyeeshee magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa habeenkii hawl-galo amniga lagu adkeenayo ka wadaan ciidanku, kaas oo mararka qaarkood dhibaaato u keenta dad shacab ah oo aan waxba war ka hayn.

Si kastaba ha ahaatee, baryahan dambe ayaa ciidanka amnigu si ka baxsan nidaamka dawnimo ula dhaqmaan dadweyaha, kuwaas oo abuuri karta inay shacabka iyo boolisku kala fogaadaan, maadaama oo ay ahayd in boolisku saaxiib dhow la noqdo dadweynaha ay amnigooda ilaalinayaan.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland