6/28/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 16, 2012
Golaha Wakiillada Somaliland oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerka ay ku shaqeyn doonaan Sirdoonka Somaliland
Talaado, Oktoobar 16, 2012 (HOL) — Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyey xeerka ay ku shaqeynayaan sirdoonka Qaranka oo maalmihii u dambeeyey laga doodayay.

Fadhigan waxa shirgudoominayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi, ahna ku simaha gudoomiyaha golahaasi Md.Baashe Maxamed Faarax, waxaana soo xaadiray 42 mudane, kuwaas oo hore uga soo dooday xeerkan oo ah mid xasaasi ah oo lagu dhaqi doono hay’ada sirdoonka Qaranka Somaliland.

Gudoomiyaha golaha Wakiiladda ayaa soo jeediyey in cod loo qaado si loo meel mariyo iyo in  dib loo eego, waxaana ogolaaday 34 xildhibaan in la ansixiyo, waxaana diiday shan xildhibaan, halka laba xildhibaan ka aamusay, gudoomiyuhuna aanu codayn, sidaasnba ku meel maray.

Xeerkan ha’ada Sirdoonka Qaranka lagu dhaqi doona ayaa laga dhigay mid madax banaan, wallow aan warbaahinta loo ogolaan in la siiyo xeerkan, maadaama oo xeer xasaasi ah yahay, ka hor inta aan la ansixin xeerka waxay guddida hoosaadka Arrimaha guduhu shir ay albaabadu u xidhan yihiin la yeesheen Taliyaha Sirdoonka Qaranka, kaas oo warbaahinta loo diiday inay goob joog ka ahaadaan warbixintaasi.

Xeerkani waxa uu wax ka tari doonaa qaabkii hore ee ay u dhaqmi jireen sirdoonku, iyagoo sharci la’aan iska gali jiray guryaha xaafadaha wakhti aan ku munaasib ahayn, waxaana toddobaadyadii u dambeeyey isa soo tarayey guryo dad shacab ah leeyihiin oo sirdoonka iyo ciidamada u tababaran la dagaalanka  argagixisadu ay  habeen badhka u daadanayeen guryo shicib ah, taas oo cabsi iyo naxdin ku beertay qoysaskii ay hawlgalkani saameeyey, waxaana la filaya in xeerkani kala qeexi doono waxa u banaan iyo waxa aan u banaanyn marka ay ku jiraan hawl-galada wax ku baadhayaan.

Maalmihii u dambeeyey ayaa golaha Wakiiladdu xeerar wax ka bedel iyo kaabis ay ku sameeyeen cod ku meel mariyeen, kuwaas oo u kala gudbay golaha Guurtidda iyo Madaxweynaha, waxaana laba cisho ka hor ay ansixiyeen xeerka guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuq oo dhawr todobaad ay ka doodayeen.

Dhinaca kale, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland Md:Baashe Maxamed Faarax ayaa guddi hoosaadyada golaha ku war geliyey in xeerarka ay hayaan ay hor keenaan golaha, si wax ka bedel iyo kaabis loogu sameeyo.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland











Click here
10/16/2012 9:11 AM EST
Talaado, Oktoobar 16, 2012 (HOL) — Dacwadan oo noqonaysa tii ugu horreysay oo qof Soomaali ah lagu eedeeyo ayaa ka socota maxkamad ku taalla magaalada Buffalo ee dalka Mareykanka, iyadoo maxkamadda ay ka hor hadashay hooyadii dhashay wiilka la dilay oo 10-jir ahaa.

10/16/2012 8:36 AM EST
Talaado, Oktoobar 16, 2012 (HOL) — Hay'adda samafalka Waano oo ka mid ah hay'adaha ka howlgala Soomaaliya kana shaqeysa nafaqeynta caruurta iyo hooyooyinka ayaa waxay Muqdisho ku qabatay xuska maalinta cunnada adduunka oo ku beegan maanta oo ay bishu tahay 16-ka Oktoobar.

10/16/2012 8:28 AM EST
Talaado, Oktoobar 16, 2012 (HOL) — Roob bilaawday 11:00 habeenimo ee xalay soona garay saakay waabarigii hore ayaa xalay mar kale ka da’ay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhawaan ay ku dhufteen daaadad ka dhashay wabiga Shabeelle oo buux dhaafay iyo roob mudo dheer qaatay oo ka da’ay magaalada.

10/16/2012 7:27 AM EST
Talaado, Oktoobar 16, 2012 (HOL) — Ciidamadda Booliska magaaladda Boorame, ayaa shalay si hubsiimo la’aan ah u weeraray guri ay ku noolyihiin qoys shacab ahi, kuwaas oo dhibaato ka soo gaadhay Aabihii qoyskaasi iyo qaar ka mid ah qoyska deganaa gurigaasi.

10/16/2012 7:21 AM EST
Talaado, Oktoobar 16, 2012 (HOL) — Kulan ay ka qaybgaleen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, maamulka gobolka Shabeellada Hoose, ururrada haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Marka ayaa lagu qabtay maanta degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

10/16/2012 6:57 AM EST
Talaado, Oktoobar 16, 2012 (HOL) — Dagaal culus oo ay ku dhinteen 10-qof oo ka mid ah dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay tiro intaas ka badana ay dhaawacyo kasoo gaareen ayaa maanta baqadii ka dhacay deegaanno u dhexeeyay deegaanka Yaaq-bari-weyne iyo garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle ee gobolka Shabeellada hoose.

10/16/2012 2:08 AM EST
Talaado, Oktoobar 16, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maalinta Arbacada Berri ah uu hortago baarlamaanka si codka kalsoonida ah loogu qaado, sida ay sheegeen mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

10/16/2012 1:57 AM EST
Talaado, Oktoobar 16, 2012 (HOL) — Dab geystay khasaare maaliyadeed oo xoog leh ayaa xalay ka kacay xerada Xagar-dheer oo ka mid ah xeryaha qoxootiga ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya, waxaana halkaas ku gubtay dukaanno fara badan.

10/16/2012 1:50 AM EST
Talaado, Oktoobar 16, 2012 (HOL) — Maxkamadda sare ee dalka ayaa amar kasoo saartay lacagaha la qaado ee aysan ka warhayn hay'adaha dhaqaalaha dalka, kaddib markii ay maxkamadda dacwad u gudbiyeen iskaashatada gadiidleyda gobolka Banaadir oo ka cabanaya lacago ay ka qaaddo wasaaradda gaadiidka.