4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 15, 2012
AMISOM oo Tababar lagu baranayo Baarista Dambiyada oo Ciidammo ka tirsan Booliis Soomaaliyeed uga furtay Muqdisho
Isniin, Oktoobar 15, 2012 (HOL) — Saraakiisha booliiska AMISOM ayaa tababar ku saabsan baarista dambiyada uga furtay Muqdisho 40-askari oo booliiska Soomaaliya ka tirsan, kuwaasoo isugu jira rag iyo haween.

Tababarkan oo billow u ah afar tababar oo noociisa ah oo loogu talogalay inay wax ku bartaan 160 askari booliiska Soomaaliya ka tirsan ayaa waxaa maalgelinaysa dowladda Talyaaniga oo horay u gumeysan jirtay gobollada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

"Waxaanu doonaynaa in tababarkan ay kasoo baxaan ciidammo baarista dambiyada ku wanaagsan, waayo haddii aan baaris dhab ah la helin ma dhacayso in dambiyada dhaca si cadaalad ah loo xukmiyo," ayuu yiri taliyaha hoggaanka tababarrada booliiska Soomaaliya, Jen. Maxamed Wardheere Kulane oo ka hadlay tababarka

Ciidamada tababarka loo furay ayaa waxay isugu jiraaan 30 rag ah iyo 10 dumar ah, kuwaasoo dhammaantood dhallinyaro ah, waxaana tababarkan casharro ka bixin doona saraakiil ka tirsan booliiska AMISOM oo u kala dhashay dalalka Uganda, Sierra Leone iyo Nayjeeriya.

Saraakiishii booliiska ee ka hadlay xaflada furitaanka tababarkan oo ka furtay dugsiga tababarka booliiska ee Iskool Bulisiyo ayaa waxay sheegeen inuu socon doono muddo laba bilood ah; kuwa kale ee dhimanna la furi doono marka uu midkan dhammaado.

"Ciidamada dhameysta tababarkan waxay ka howgeli doonaan saldhigyada gobolka Banaadir, tanina waa qayb ka mid ah horumarinta aqoonta booliiska Soomaaliya," ayuu yiri Jen. Maxamed Wardheere.

Tababarkan oo kale ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo Muqdisho looga furo booliiska Soomaaliya, waxaana uu kusoo beegmayaa tababarkan xilli ay dowladda Soomaaliya dadaal ugu jirto sugidda ammaanka Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya