4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 15, 2012
Madaxweynaha Puntland iyo wefdi uu Hoggaaminayo oo maalintii labaad socdaal ku jooga Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal
Isniin, Oktoobar 15, 2012 (HOL) — Wafdi  uu horkacayo madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo shalay ka ambabaxay magaalada Garoowe,  ayaa maalintii labaad ku sugan degmada Eyl ee gobolka Nugaal.


Wefdigan oo gelinkii danbe ee shalay gaarey Eyl, waxaa ku jira xubno ka tirsan golaha wasiirada oo ay kamid yihiin: wasiirada warfaafinta iyo caafimaadka, waxaa sidoo kale qayb ka ah: qaar kamid ah agaasimeyaasha wasaaradaha iyo saraakiil Booliska ka tirsan.

Wasiirka warfaafinta Eng. Maxamuud Caydiid Dirir oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in safarka madaxweynuhu uu yahay mid qayb ka ah howl maameedkiisa caadiga ah, wuxuuna ka gaabsaday in uu faahfaahfin intaas dheer ka bixiyo.

“Safarkani howl maalmeedka madaxweynaha iyo golaha wasiirada ayuu qayb ka yahay, kulan kastana marka uu qabsoomo ayaa laga sheekeyn karaa”

Eng. Caydiid ayaa dhinaca kale sheegay in wefdiga madaxweynuhu inta ay degmada Eyl joogaan ay la kulmi doonaan waxgaradka iyo qaybaha kale ee bulshada islamarkaana ay u kuurgeli doonaan xaaladaha

Inkasta oo aan si dhab ah loo ogeyn ujeedada ka danbeysa booqashada madaxweynuhu uu xiligan degmada Eyl ku joogo, waxaa hadana jira warar la isla dhex marayo oo sheegaya in uu halkaas kulan kula qaadan doono saraakiil ka tiran ciidamada howlgalka la dagaalanka burcad badeeda u jooga xeebaha Soomaaliya ee NATO.

Horaantii sanadkan ayey ahayd markii uu sidan oo kale madaxweyne Faroole socdaal dhowr maalmood qaatay ugu soo maray degaano ka tirsan gobolka Karkaar.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir
[email protected]
Puntland, Soomaaliya