3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 15, 2012
Cutubkii Saddexaad Ciidammo ka socda Jabuuti oo qayb ka ah Howlgalka AMISOM oo gaaray Magaalada Baladweyne


Isniin, Oktoobar 15, 2012 (HOL) — Cutubkii sadaxaad ciidammo ka socda dalka Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamada oo ku qalabeysan gadiidka dagaalka iyo gawaarida gaashaaman oo gaaray ilaa sadax boqol oo askari ayaa ka soo gudbay xadka gobollka Hiiraan uu la wadaago dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyaga oo ku yimid safar dhulka ah.

Col. Cismaan Dubad oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka hogaamineysa ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamadan yihiin kuwo ka caawin doona dowladda Soomaaliya sugida amniga magaalada Baladweyne iyo guud ahaan gobollka Hiiraan.

Ciidamada gaaray magaalada Baladweyne ayaa noqonaya qeybtii sadaxaad iyadoo ay horay u sii joogeen ku dhawaad 450 askari ka socda dowladda Jabuuti kuwaasoo fariisimo ka dhigtay daafaha magaalada iyo garoonka diyaaradaha.

Marka laga soo tago ciidamada dalka Jabuuti ee ku howlgalaya magaca AMISOM waxaa maamulka gobollka Hiiraan kala shaqeeya dhinaca nabad-galyada kumanaan ciidamo ah oo ka socda dalka Itoobiya oo fariisimo kala duwan ku leh daafaha iyo gudaha magaalada Baladweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya













Click here
10/15/2012 10:05 AM EST
Isniin, October 15, 2012(HOL): Ururka Dhallinyarada, Cayaaraha iyo Dhaqanka Yurub ee SEUKI oo ah ururka soo qabanqaabiya cayaaraha kubadda cagta ee xagaaga ka dhaca magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa wuxuu doortay maamul cusub oo ururka hoggaamin doona tan iyo xagaaga soo socda ee 2013.

10/15/2012 9:25 AM EST
Isniin, Oktoobar 15, 2012 (HOL) — Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose iyo xerada Qoxootiga IFO ayaa waxay sheegayaan in halkaas ay ka dhaceen dilal loo kala geystay laba qof oo shacab ah, iyadoo sidoo kale gaari iyo afar Kenyan ah maalin ka hor laga afduubay deegaan ku dhow degmada Mandheera ee dalka Kenya.

10/15/2012 9:13 AM EST
Isniin, Oktoobar 15, 2012 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta ku dhawaaqday inay bixinayso biilka hooyo Soomaaliyeed oo afar mataano ah ku dhashay kaam ku yaalla magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

10/15/2012 9:01 AM EST
Isniin, Oktoobar 15, 2012 (HOL) — Hay'adda UNHCR oo Qarammada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in qoxootiga Soomaalida ha ee dalkooda ka cararay ay kor u dhaafayeen hal milyan oo qof, kuwaasoo intooda badan ku nool dalalka dariska la ah Soomaaliya sida Kenya iyo Itoobiya.

10/15/2012 8:42 AM EST
Isniin, Oktoobar 15, 2012 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada hoose ee dhinaca ammaanka, Axmed Cumar Mudane ayaa sheegay in hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya uu dhintay qarax ka dhacay deegaanka Shalaanbood ee gobolka Shabeellada hoose.

10/15/2012 7:59 AM EST
Isniin, Oktoobar 15, 2012 (HOL) — Saraakiisha booliiska AMISOM ayaa tababar ku saabsan baarista dambiyada uga furtay Muqdisho 40-askari oo booliiska Soomaaliya ka tirsan, kuwaasoo isugu jira rag iyo haween.

10/15/2012 7:43 AM EST
Isniin, Oktoobar 15, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inay si dhow ula shaqeyn doonaan dowladda cusub ee Soomaaliya, si dowalddu ay ugu guuleysato howlaha horyaalla muddada ay shaqeynayso ee afarta sano ah.

10/15/2012 6:37 AM EST
Isniin, Oktoobar 15, 2012 (HOL) — Wafdi uu horkacayo madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo shalay ka ambabaxay magaalada Garoowe, ayaa maalintii labaad ku sugan degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

10/15/2012 6:35 AM EST
Isniin, Oktoobar 15, 2012 (HOL) — Iyadoo ay dhawaan roobabkii dayrtu ka curteen meelo badan oo kamid ah deegaanada Puntland ayaa haddana waxaa dhul ballaaran oo ka tirsan gobollada Bari iyo Karkaar ka taagan yihiin abaaro ba'an.

10/15/2012 4:11 AM EST
Isniin, Oktoobar 15, 2012 (HOL) — Ciidamada Kenya oo ka tirsan ciidmada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in xaaladda magaalada Kismaayo ay si tartiib-tartiib ah u soo hagaagayso, kaddib markii ay qabsadeen laba todobaad ka hor iyagoo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Raaskambooni.

10/15/2012 3:42 AM EST
Isniin, Oktoobar 15, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay tiro kalena waxay ku dhaawacmeen dagaallo xalay ku dhexmaray xaafado ka tirsan degmooyinka Dharkeynley iyo Yaaqshiid ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab.