4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 13, 2012
Afhayeenka Howlgallada Al-shabaab oo beeniyay in Ciidamada Kenya ay Kumannaan Xoogagooda ka tirsan ay ku dileen Jubbooyinka
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada ee Al-shabaab, Sheekh Cabdulcasiis Abuu-Muscab ayaa beeniyay in ciidamada Kenya ay ku dileen 3,000 oo dagaalyahannadooda ka tirsan lagu dilay dagaalladii muddada halka sano ah ka socday gobollada Jubbooyinka.

Sheekh Abuu-Muscab oo wareysi siinayay telefishinka Al-Jazeera ee xaruntiisu tahay dalka Qatar ayaa sheegay in tirada uu sheegay wasiirka gaashaandhigga Kenya inay ku dileen inay tahay mid riyo ah, isagoo guulo ka sheegtay dagaalladaas.

"Khasaaraha aan gaarsiinnay ciidamada Kenya waxay isugu jireen kuwo ka dhashay miinooyin dhulka lagu aasay iyo dagaal toos ah, waxaana kaga gubnay 40-gaadiidka dagaalka ah sidoo kalena waxaan ka dilnay 50-askari, afar diyaaradood oo kuwa qummaatiga u kaca ahna waan kasoo ridnay," ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab.

Afhayeenku ma uusan ka hadlin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalladaas oo aakhirkii looga qabsaday degmada Kismaayo oo ahayd goob ay awood badan ku leeyihiin, taasoo hadda gacanta ugu jira ciidamada dowladda, kuwa Kenya iyo Raaskambooni.

Sidoo kale, afhayeenka howgallada ee Al-shabaab wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ay ku qaadatay muddo sannad ah inay ku tagaan goobihii ay bartilmaameedka ka dhigteen sida magaalada Kismaayo, wuxuuna xusay inaysan ka joojinayn dagaalka illaa ay dib uga saaraan Kismaayo.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo wasiirka gaashaandhigga Kenya, Yuusuf Xaaji uu toddobaadkii hore sheegay inay dagaalladii ay ku qabsadeen Kismaayo ku dileen 3,000 oo dagaalyahannada Al-shababa ka tirsan, dhankoodana uu aad u yaraa khasaaraha dagaalkaas kasoo gaaray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya