4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 13, 2012
Burcabadeeda Somalia oo Malaayiin Madax-furasho lacageed ah kusii daayay Markab ay bilooyin afduub ku haysteen iyo Shaqaalihiisa
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Burcabdadeedda Soomaaliya ayaa madaxfurasho lacageed kusii daayay markab laga leeyahay dalka Giriigga balse siday calanka dalka Libeeriya iyo 21 shaqaalihisii ah oo u dhashay dalka Filibiin, kaddib afduub ahaan u qabsadeen bishii Feberaayo ee sannadkan.


Afhayeen u hadlay burcadbadeedda oo lagu magacaabo Bile Xuseen ayaa sheegay inay kusii daayeen 2.3-milyan oo doollarka Mareykanka ah, isagoo sheegay inuu ka dhaqaaqay xeebaha Soomaaliya maalintii Khamiista ahayd ee lasoo dhaafay.

"Madaxfurashii aan horay u dalbanay waxay ahayd sagaal milyan oo doollar, balse shirkadda iska lahayd markabka ayaan ka helnay 2.3-milyan, waana sii daynay markabka iyo shaqaalihiisii," ayuu yiri Bile Xuseen.

Shirkadda  Markabka iska leh ayaa iyaduna xaqiijisay in markabkeeda ay sii daayeen kooxihii burcadbdeedda ah ee haystay, balse ma sheegin in madaxfurasho ay bixisay iyo in kale.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Free Goddess ayay kooxaha burcadbadeedda ah ka afduubeen meel ku dhow xeebaha Soomaaliya 07-dii bishii Feberaayo ee sannadkan, iyagoo tan iyo xilligaas ku haystay xeebaha deeegaanka Garacad ee gobolka Mudug.

Burcadbadeedda Soomaaliya ayaa waxay weli gacanta ku hayaan lix markab iyo shaqaalihii la socday oo gaaraya 156 badmaax, kuwaasoo ay ku doonayaan in laga siiyo malaayiin doollar oo madaxfurasho lacageed ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya