4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 13, 2012
Jen. Dhego-badan oo sheegay inay howgallada ciidan socon doonaan inta Al-shabaab laga saarayo dalka oo dhan
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Taliye ku xigeenka ciidamada milateriga Somalia, Jen. Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa sheegay in howlgalka ciidamadu ay socon doonaansocon doonaan inta Al-shabaab laga saarayo meel walba oo ay dalka kaga sugan yihiin.


Abaanduulaha ayaa hadalkan sheegay xilli uu wariyeyaasha kula hadlayay Jimcihii shalay garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle oo qiyaastii 100-km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

"Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxay ku guuleysteen inay la wareegaan garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle oo Al-shabaab ay u adeegsan jirtay inay kala soo dagto saanadda ciidan," ayuu yiri Jen. C/kariin Dhego-badan.

Sidoo kale, taliye ku xigeenku wuxuu hadalkiisa ku daray inay ka go'an tahay inay kula dagaalamaan Al-shabaab meel oo dalka ka mid ah, tan iyo inta ay ka dalka oo dhan ka saarayaan, wuxuuna sheegay in garoonka Balli-doogle uu sahlayo in la isku xiro Muqdisho iyo Baydhabo.

"Qorshuhu ma ahan in haddii ciidamada dowladdu ay deegaan qabsadaan inay iska joogayaan halkaas... way soconayaa, dhammaan deegaannada ay Al-shabaab ku sugan tahay hadda way tagayaan, waxayna kula dagaalamayaan geedaha iyo meel walba oo ay galaan," ayuu yiri abaanduulaha ciidamada xoogga dalka.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo maalmo ka hor ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ay kala wareegeen Al-shabaab degmada Wanla-weyn, garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle iyo deegaanno u dhexeeya Afgooye iyo Muqdisho.

Dhanka kale, sarkaal ka tirsan ciidamada AMISOM oo isaguna warfidiyeenka kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay gaaraan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidammo kale oo ka tirsan AMISOM.

Ugu dambeyn, Xuseen Carab Ciise oo ah sii haya xilka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in howgalka lagu qabsaday garoonka Balli-doogle iyo degmada Wanla-weyn uu qayb ka yahay howgallada lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro dalka oo dhan. 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya