4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 12, 2012
Dadka Boosaaso oo si aad ah Jimcaha xeebta ugu damaashaad taga (SAWIRRO)


Jimco,, October 12, 2012(HOL): Magaalada Boosaaso oo leh mid kamid ah xeebaha ugu quruxda badan dalka, waxaa maalin walba u damaashaad taga boqolaal dhalinyaro ah iyo dad waaweyn oo intooda badani ay qurbe-joog yihiin.

 

Dhererka xeebta oo gaaraya dhowr Kilometer waxuu Jimce kasta yeeshaa muuqaal aad u bilicsan , kaas oo ay daawashadiisuna tahay mid aad loo jeclaysan karo. Shabakadda HOL oo maanta xeebta gaartey ayaa si kooban ula hadashay qaar kamid ah dadkii xiligaas ku sugnaa.

 

 “ Xeebta waxan imaadaa amaayaha fasaxa si aan ugu baashaalo, waxan ku dheelaa kubadda, waan dabaashaa, xiliyada qaarna jimicsiyo kale ayaan ku sameeyaa, jewiga xeebta aad baan u jeclahay” Maxamuud Shire Aadan oo kamid ah dhalinyaradii HOL xeebta kula hadlay ayaa sidaas yiri.

 

Sidoo kale Jaamac Ciise oo ah aabe wadey ciyaalkiisa ayaa isna ka war bixiyey dareenkiisa ku aadaan damaashaadka jimcaha iyo xeebta, wuxuuna sheegay in wakhtigiisa fasaxa uu ubadkiisa kula qaato xeebta.

 

“ Nin inta badan shaqeeya ayaan ahay, laakiin maalinta Jimcaha waxan dhamaan caruurteyda iyo qoyska oo dhanba keenaa xeebta, caafimaad ahaan waxan aaminsanahay in ay faa’iido badan leedahay” Jaamac ayaa yiri.

 


Inkasta oo xiliyada qaar la tilmaamo in nadaafadda xeebta Boosaaso ay tahay mid aan wanaagsaneyn, waxaa hadana dhowrkii sano ee ugu danbeeyey aad u yaraatay in xeebta wax qashin ah lagu shubo, kadib markii ay dowladda hoose ee degmadu ay amaro adag kasoo saartay.

 

Dhowaan xeebta magaalada caasimada ah ee Muqdisho  waxaa  laga hirgeliyey dhowr Hotel iyo goobo kale oo dadka xeebta soo aadaa ay ku nastaan, waxaana hubaal ah  in hadii mashaariicda noocaas ah la dardar gelin lahaa ay si aad ah xeebaha dalku indhaha dalxiisayaasha usoo jiidan lahaayeen.



 


Maxamed S. Xaaji Dirir, Hiiraan Online

[email protected]

Boosaaso, Soomaaliya