4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 12, 2012
Madaxweynaha Somaliland oo si kadis ah loogu arkay isagoo ku tukanaya masaajid ku yaalla magaaladda Gabiley

 
Jimco, October,12, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa maanta saaladii jimcaha si kadis ah loogu arkay isagoo ku takanaya masaajid ku yaala magaaladda Gabiley ee gobolka Gabiley, kaas oo aan hore loo sii sheegin inuu madaxweynuhu imanayo magaaladda, balse lagu arkay uun markii uu masaajidka weyn ee magaaladda ku yaalla soo galay.

 

Madaxweynaha ayaa la sheegay in aanu wadan wax tikniko iyo baabuurtiisa lagu yaqaanay ah, balse waxa la socday dhawr masuul oo watay baabuur shicib ah, kaas oo markii salaaddda laga soo baxay shacabkii ku soo urureen iyagoo doonaya inay gacan qaadaan, isla markaaana ku soo dhoweeyaan magaaladoodda.

 

Madaxweynaha ayaa mudooyinkii u dambeeyey si kadis ah kolba loogu arkayo masaajidada xaafadaha ku yaal, isagoo marka uu muddo joogaba talaabo dadku iyo isaga isku soo dhoweynayo ku talaabsado, waxaana safarkan kadiska ah ee uu ku tagay Gabiley loo arkaa mid uu doonayo inuu ku kasbado dadweynaha reer Gabiley oo baryihii u dambeeyey laga sheegayey inay mucaarad ku yihiin madaxweynaha, isla markaana ay taageeraan xisbiyada mucaaradka ah, iyagoo xukuumadda madaxweyne Siillaanyo dhaliilo usoo gudbiyey, sidoo kale waxa billo ka hor xabsiga Gabiley laga siidaayey Abwaan Haybe Faarax oo gabayo uu madaxweynaha ku dhaliilayo loo xidhay, muddana ku xidhnaa xabsiyadda magaaladda Hargeysa iyo Gabiley,ka dibna maxkamadda gobolka Gabiley ku xukuntay lix bilood oo xadhig ah, kaas oo dadweyne badan ka cadhaysiiyey.

 


Haseyeeshee, safarkan kadiska ah ee dadweynaha reer Gabiley kula tukaday salaadda jimcaha ayaa u muuqday mid uu ku doonayey inuu bulshadda iskugu soo dhoweeyo, maadaama oo aanu wadan ciidankii  badnaa ee looga bartay iyo tikniko oo inta badan marka uu safarada u baxayo isku xeeri jiray, taas oo ay adkayd in si dhib yar shacabka isku arkaan ama isku salaamaan, sidaa darteed, talaabadan ayaa lagu tilmaamay inay tahay mid ay badi dadweynaha reer Gabiley soo dhoweeyeen.





 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland