4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 12, 2012
Qaraxyo khasaare dhashay oo ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobi
12 October 2012 (HOL) - Qaraxyo daqiiqado  ka hor gilgilay xaafada Islii (Eastleigh) ee Soomaalidu ka dagantahay magaalada Nairobi ayaa lagu soo warramayaa inay halkaas ka dhaceen.

Inkastoo warar faahfaahsan aysan kasoo bixin qaraxyada ayaa la sheegayaa inay yihiin labo qarax oo is xigay oo lala beegsaday ciidamada ammaanka ee Kenya.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya  in sarkaal ka tirsan ciidamada booliska uu ku jiro dhowr qof oo ku dhaawacmay weeraradan oo ka dhacay deegaanka Mlango Kubwa oo kamid ah xaafada Islii.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo ka dhaca deegaankaas bilihii lasoo dhaafay, iyadoo weerar horana lala beegsaday kaniisad ku taalla xaafadaas.

Dad ku sugan xaafada Islii ayaa u xaqiijiyay Hiiraan Online in qaraxyada laga maqlay xaafadaas.

Faahfaahinta warkan waxaad kaga bogan doontaan wararkeena dambe.

Ahmed Abdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho , Soomaaliya