4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 12, 2012
Jaaliyadda Reer Hiiraan ee Magaalada Dubai oo deeq gaarsiisay dadkii ku barakacay fatahaadii Baladweyne


Jimco, Oktoobar, 12, 2012 (HOL) – Waxaa soconaya wali gurmadka loo fidinayo dadkii dhawaan ku barakacay fatahaadii ku dhuftay magaalada Baladweyne, kuwaasoo waqtigan daruufo kala duwan oo dhinaca nolasha ah ay ku heystaan deegaannadii ay maciin bideen.

 

Hadaba Jaaliyada Hiiraan ee magaalada Dubai dalka isku taga imaaraadka carabta ayaa deeq ay soo mariyeen shirkada Xawaalada Ammaana waxaa loo qeybiyay qoysas ka mid ah dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay fahatahaada.

 

Ku dhawaan 1000 qoys oo ka mid ah dadka barakacayaasha ah ayeey shaqaalaha shirkada Xawaalada Ammana gaarsiiyeen deeq ka kooban Bur, Bariis, Sokor, Saliid iyo waliba bacaha roobka laga galo, kuwasoo ay dadku siweyn ugu baahnaayeen.

 

‘’Dadka waxaan ku xulanay hadba sida ay u sii kala liitaan, qoyskiiba waxaa uu helay ama aan siinay raashin aan is leenahay ugu badnaan mudo bil ah waa ay isticmaali karaan, ayeey sheegeen shaqaalaha shirkada Ammana ee deeqda la soo mariyay.

 


Dadkii ka faa’ideystay gargaarka ay soo direen Jaaliyada Hiiraan ee magaalada Dubai ayaa siweyn uga mahad celiyay kaalmada la gaarsiiyay, waxaana la oran karaa waa deeq raashin ah tii ugu horeysay oo ka timid Jaaliyada Hiiraan ee dalka dibadiisa oo la gaarsiiiyo dadka dhibaateysan.

 

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa magaalada Baladweyne ka jiray gurmad xoog leh oo loo fidinayo dadka dhibaatadu ka soo gaartay biyihiin dhawaan ku fatahay magaalada, waxaana soconaya dhaq dhaqaaqyo la caawiyo dadka dadka dibad jooga ka ah guriyihii ay ku noolaayeen.



 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Baladweyne, Soomaaliya.