3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 12, 2012
Jaaliyadda Reer Hiiraan ee Magaalada Dubai oo deeq gaarsiisay dadkii ku barakacay fatahaadii Baladweyne


Jimco, Oktoobar, 12, 2012 (HOL) – Waxaa soconaya wali gurmadka loo fidinayo dadkii dhawaan ku barakacay fatahaadii ku dhuftay magaalada Baladweyne, kuwaasoo waqtigan daruufo kala duwan oo dhinaca nolasha ah ay ku heystaan deegaannadii ay maciin bideen.

 

Hadaba Jaaliyada Hiiraan ee magaalada Dubai dalka isku taga imaaraadka carabta ayaa deeq ay soo mariyeen shirkada Xawaalada Ammaana waxaa loo qeybiyay qoysas ka mid ah dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay fahatahaada.

 

Ku dhawaan 1000 qoys oo ka mid ah dadka barakacayaasha ah ayeey shaqaalaha shirkada Xawaalada Ammana gaarsiiyeen deeq ka kooban Bur, Bariis, Sokor, Saliid iyo waliba bacaha roobka laga galo, kuwasoo ay dadku siweyn ugu baahnaayeen.

 

‘’Dadka waxaan ku xulanay hadba sida ay u sii kala liitaan, qoyskiiba waxaa uu helay ama aan siinay raashin aan is leenahay ugu badnaan mudo bil ah waa ay isticmaali karaan, ayeey sheegeen shaqaalaha shirkada Ammana ee deeqda la soo mariyay.

 


Dadkii ka faa’ideystay gargaarka ay soo direen Jaaliyada Hiiraan ee magaalada Dubai ayaa siweyn uga mahad celiyay kaalmada la gaarsiiyay, waxaana la oran karaa waa deeq raashin ah tii ugu horeysay oo ka timid Jaaliyada Hiiraan ee dalka dibadiisa oo la gaarsiiiyo dadka dhibaateysan.

 

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa magaalada Baladweyne ka jiray gurmad xoog leh oo loo fidinayo dadka dhibaatadu ka soo gaartay biyihiin dhawaan ku fatahay magaalada, waxaana soconaya dhaq dhaqaaqyo la caawiyo dadka dadka dibad jooga ka ah guriyihii ay ku noolaayeen.



 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Baladweyne, Soomaaliya.

 













Click here
10/12/2012 6:02 PM EST
Jimco,, October 12, 2012(HOL): Magaalada Boosaaso oo leh mid kamid ah xeebaha ugu quruxda badan dalka, waxaa maalin walba u damaashaad taga boqolaal dhalinyaro ah iyo dad waaweyn oo intooda badani ay qurbe-joog yihiin.

10/12/2012 4:49 PM EST
Jimco, October,12, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa maanta saaladii jimcaha si kadis ah loogu arkay isagoo ku takanaya masaajid ku yaala magaaladda Gabiley ee gobolka Gabiley, kaas oo aan hore loo sii sheegin inuu madaxweynuhu imanayo magaaladda, balse lagu arkay uun markii uu masaajidka weyn ee magaaladda ku yaalla soo galay.

10/12/2012 2:45 PM EST
Qaraxyo daqiiqado ka hor gilgilay xaafada Islii (Eastleigh) ee Soomaalidu ka dagantahay magaalada Nairobi ayaa lagu soo warramayaa inay halkaas ka dhaceen.

10/12/2012 11:01 AM EST
Jimco, October, 12, 2012 (HOL)- Ardayda jaamacadda Hargeysa iyo guddi samaysay urur lagu ururiyo dhaqanka iyo af soomaaliga oo loogu magacdaray Gaariye, ayaa xalay si wada jir ah u sameeyey xus loogu baroor diiqayo geeriddii ku timid abwaankii weynaa Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye.

10/12/2012 10:37 AM EST
Jimco, Oktoobar, 12, 2012 (HOL) -- Kadib markii xalay qof doonayay in uu weerar Ismiidaamin ah ka geysto magaalada Baladweyne ay ku qarxeen waxyaabihii uu sitay ayeey sheegeen mas’uuliyiinta maamulka gobollka in ay xoojin doonaan amniga magaalada.

10/12/2012 3:56 AM EST
Jimco, Oktoobar 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmauud ayaa sheegay in caalamku uu doonayo inuu wax ka qabto arrimaha dalka Soomaaliya, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka faa'iideystaan qorshayaasha caalamka uu wax uga qabanayo Soomaaliya.

10/12/2012 3:45 AM EST
Jimco, Oktoobar 12, 2012 (HOL) — Qaraxyo aan khasaare geysan ayaa xalay ka kala dhacay degmooyinka Baydhabo iyo Baladweyne ee gobollada Bay iyo Hiiraan, kuwaasoo la doonayay in lala bartilmaameedsado mas'uuliyiin ka tirsan maamullada gobolladaas ka jira.

10/12/2012 3:34 AM EST
Jimco, Oktoobar 12, 2012 (HOL) — Maamulka Gobolka Banaadir ayaa degmooyin ka tirsan Muqdisho ka billaabay howlo lagu tira-koobayo shacabka ku nool iyo guryaha, taasoo uu maamulku sheegay inay qayb ka yihiin howlo lagu sugay ammaanka guud ee caasimadda Soomaaliya.

10/12/2012 3:32 AM EST
Jimco, Oktoobar 12, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa sheegay inuu ka badbaadya weerarro la doonayay in lagu dilo, isagoo sheegay in gaarigiisa lagu weeraray laba bambaano oo kuwa gacanta ah xilli uu shalay gallinkii dambe marayay xaafadda Suuqa Xoolaha oo ka tirsan degmada Huriwaa.

10/12/2012 3:27 AM EST
Jimco, Oktoobar 12, 2012 (HOL) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa safiirro u magacowday dalalka Iiraan iyo Yemen, kuwaasoo warqadahoodii aqoonsigooda u gudbiyay madaxweynayaaasha labadaas dal, Maxamuud Axmedinajad iyo Cabdi-rabbu Mansuur Haaddi.