4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 12, 2012
Jaamacadda Hargeysa oo xus baroor diiq ah u samaysay Macalinkooddii Marxuum Abwaanka Gaarriye


Jimco, October, 12, 2012 (HOL)- Ardayda jaamacadda Hargeysa iyo guddi samaysay  urur lagu ururiyo dhaqanka iyo af soomaaliga oo loogu magacdaray Gaariye, ayaa xalay si wada jir ah u sameeyey xus loogu baroor diiqayo geeriddii ku timid abwaankii weynaa Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye.

 

Xuskan jaamacadda Hargeysa loogu qabtay, ayaa waxa ka soo qaybgalay boqolaal  ardayda jaamacada Hargeysa ah dhigata ka mid ah, maamulka iyo macalimiinta jaamacadda Hargeysa, marti sharaf kale, abwaano, iyo xubno ka tirsan dadkii la socday maydka Abwaanka iyo caruurtiisii iyo xaaskiisa.

 

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay ku simaha gudoomiyaha jaamacada Hargeysa Dr:Diiriye Ismaaciil, waxaanu ka waramay aqoontii uu u lahaa abwaanka, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa nin geesi ah oo yarantiisii ku bilaabay abwaanimada iyo inuu dadka waaniyo,  isagoo mudadii uu jaamacadda joogayna ku amaanay kaalintii uu ardayda ku jeclaysiin jiray suugaantooda iyo afkooga hooyo, xiisadiisana la kala waayi jiray kuraas lagu fadhiisto.

 

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Maxamed Rashiid Muxumed Faarax xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo ku hadlay afkii dhalinyaradii soo qabanqaabisay kulankan baroordiiqda ah, isagoo sheegay inuu ka mid ahaa dadkii Hargeysa ku hayey wakhtigii uu xanuunsanayey ilaa Itoobiyana diyaaradda ka saaray si Norway loogu soo daweeyo.

 


Xoghayuhu waxa uu sheegay in abwaanku uu waday buug ka hadlaya naxwaha af-soomaaliga oo uu doonayey inuu qoro, waxaanu xusay in madashan kaga dhawaaqayaan akadami lagu ururin doono dhaqanka, suugaan iyo af ka soomaaliga oo loogu magacdari doono Abwaan Gaariye, si aanay u istaagin horumarinta uu af soomaaliga ku hayey abwaanku.

 

Maxamed Maxamuud Aadan oo ka mid ah xubnihii reer Norway ee cisbitaalka ku hayey soona raacay Maydka, ayaa tilmaamay inuu ahaa nin geesi ah oo ilaa maalintii ay naftu ka dhacaysay aan isku dhiibin xanuunka culus ee hayey, waxaanu sheegay in abwaanka oo ahaa bulshaawi dad la nool ah, balse wakhtigu ku kalifay in qol yar oo aan cidi la joogin ku noolaado mudadii uu xanuunsanayey, kaas oo uu naftiisa marnaba u nixin kana jixin jixin.

 

 “ Abwaan Gaariye markii uu jaamacadda Norway yimid ayaa munaasibad ay lahayd jaamacadu uu ka akhriyey Gabaygiisa uu ugu hiilinayey Nelsan Mandelle wakhtigii uu xidhnaa, markii uu Gabaygii oo ingiriisi ah uu u akhriyey ayuu madaxweynihii jaamacadda yidhi waligay intaan gabay akhriyey gabay sidaas oo kale ah maan arag,sidaas buu ku noqday porofaseer  wax ka dhiga jaamacadda, isagoo dhibco aad u saraysa ku qaateen oo mushahar aad u badan ku qaadan jiray jaamacaddaasi”ayuu yidhi Maxamed oo ka waramayey jaamacadda uu dhigi jiray abwaanku, waxaanu intaas ku daray “ intaas oo sanadood baan macalin soo ahaa hadana dhawr iyo toban dhibcood buu iga sareeyey inta aan saacadii ku shaqayn jiray, waxay taasi ku cadaynaysaa inay u bogayn aqoontiisa, wuxu noqday qof Gabayadiisa uu caalamku aqbalay, oo jaamacado badan laga helo gabayadisii oo maanta laga dhigo qaarkood”.

 

 Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi gabayo baroor diiq ah ka tiriyey abwaano farobadan oo ay ka mid yihiin  Abwaan Aadan Tarabi, Abwaan: Rashiid,   Abwaan Axmed Batuun, Abwaan Maxamed Cali Xasan, gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta  Xasan Maxamed Yuusuf oo sheegay in aanu ahayn abwaan balse dareen ka keenay Gabaygan, Abwaan Cabdiraxmaan Cashuur, Abwaanad: Nimco Gabaydo, Abwaan Xasan Weedhsame, Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan (Maandeeq) iyo abwaanad Aamina Maxamed Ismaaciil oo ka mid ahayd ardaydii uu suugaanta bari jiray, kuwaas oo dhamaantood ku cabiray waxa uu Gaariye ahaa iyo sida aan loo ilaawi karin abwaanka, waxa kale oo isna madasha ka hadlay fanaanka weyn ee reer Jabuuti Cabdi Nuur Allaale oo isagu maydka ka soo raacay Jabuuti.

 


Jaamac Cali Cismaan oo ka mid ah dadkii cisbitaalka ku hayey, ayaa sheegay inay jaamacada Norway wada dhigi jireen, isla markaana uu Gaariye  uu ugu jeclaa wax soo saar uu umadda usoo gudbiyo miisaanka maansadda, qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo suugaan wadaag ay ahaaayeen, ayaa isna gabay baroor diiq ah u tiriyey abwaanka, isagoo ilaahay u baryey ummada soomaaliyeed inuu Gaariye oo kale ilaahay usoo saaro si horumarinta af ka soomaaligu u istaagin.

 

Intaas ka dib waxa halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyey xubnihii ka yimid Norway ee intii uu xanuunsanayey xaaladiisa caafimaad la socday iyo gudidii qabanqaabadda aaska Qaran u samaysay marxuumka.



 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 

[email protected]

Hargeysa, Somaliland