4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 12, 2012
Qaraxyo siyaabo kala duwan uga dhacay Degmada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan iyo Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay
Jimco, Oktoobar 12, 2012 (HOL) — Qaraxyo aan khasaare geysan ayaa xalay ka kala dhacay degmooyinka Baydhabo iyo Baladweyne ee gobollada Bay iyo Hiiraan, kuwaasoo la doonayay in lala bartilmaameedsado mas'uuliyiin ka tirsan maamullada gobolladaas ka jira.

Qaraxa ka dhacay Baladweyne oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa waxaa fuliyay ruux waxyaabaha qaraxa isku soo xiray, kaasoo doonayay inuu isku qarxiyo gurig uu ka daggan yahay degmadaas guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka, balse waxaa ka hortagay ilaalada guddoomiye ku xigeenka oo lagu magacaabo Axmed C/lla Inji.

"Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka uu doonayay inuu gurigayga ku soo qaado qofka natiis huraha ah, waxaase qarxay keligiis, kaddib markii ay ka hor-tageen ilaaladayda," ayuu yiri Axmed Inji.

Dhanka kale, qarax miinno oo xoog leh ayaa isaguna xalay ka dhacay degmada Baydhabo ee gobolka Bay, iyadoo mas'uuliyiin u hadlay maamulka gobolkaas ee dowladda Soomaaliya inuusan geysan wax khasaare ah.

"Qaraxu wuxuu ahaa mid ka dhashay miino dhulka lagu aasay, waxayna kooxihii geliyay qarxiyeen markii ay waayeen mas'uul ka tirsan maamulka oo ay ku weeraraan," ayuu yiri mas'uul ka tirsan maamulka degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Maamullada gobolka Hiiraan iyo Bay ayaa waxay ku eedeeyeen weerarradan Al-shabaab oo degmooyinkaas laga qabsaday sannadkii hore iyo sannadkan, balse ma jiro hadal kasoo baxay Al-shabaab oo ay ku sheegatay ama isaga fogeysay inay ka dambeysay weerarradaas.

Degmooyinkan ayaa waxaa horay uga dhacay qaraxyo khasaare badan geystay oo ay mas'uuliyadooda sheegatay Al-shabaab, waxaana degmooyinkan gacanta ku haya ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya