4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 12, 2012
Guddoomiyaha Degmada Huriwaa ee Muqdisho oo ka badbaaday Weerarro Bambaano oo la doonayay in lagu qaarjiyo
Jimco, Oktoobar 12, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa sheegay inuu ka badbaadya weerarro la doonayay in lagu dilo, isagoo sheegay in gaarigiisa lagu weeraray laba bambaano oo kuwa gacanta ah xilli uu shalay gallinkii dambe marayay xaafadda Suuqa Xoolaha oo ka tirsan degmada Huriwaa.

Cumar Jacfaan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu weerarkaas ka badabaday, balse uu kaga dhaawacmay mid ka mid ah ilaaladiisa, sidoo kalena uu burbur kasoo gaaray gaarigii uu watay.

"Bambooyinka waxaa lagu soo tuuray gaariga, waxaana burburay muraayadihii gaariga, sidoo kalena taayarradii ama shaagaggii ayaa ka banjaray, sidoo kalena waxaan ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaaladayda," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Huriwaa.

Sidoo kale, Cumar Jacfaan wuxuu sheegay in la qabtay shan ka mid ah kooxihii weerarka ku qaaday gaarigiisa, sidoo kalena ay jiraan kuwo baxsaday oo ay baadi-goob ugu jiraan sidii ay kusoo heli lahaayeen.

Guddoomiyaha degmada Huriwaa wuxuu ku eedeeyay weerarka lagu qaaday inay soo abaabuleen ganacsatada Suuqa Xoolaha, kuwaasoo uu sheegay inay taageeraan Al-shabaab, balse ma uusan sheegin tallaabo ay ka qaadayaan.

Degmada Huriwaa ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ugu ammaanka xun 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, waxaana tan iyo markii ay Al-shabaab isaga baxday Muqdisho ka dhacayay falal isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya