4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 12, 2012
Dowladda Soomaaliya oo safiirro u magacowday safaaradaha Somalia ay ku leedahay dalalka Iiraan iyo Yemen
Jimco, Oktoobar 12, 2012 (HOL) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa safiirro u magacowday dalalka Iiraan iyo Yemen, kuwaasoo warqadahoodii aqoonsigooda u gudbiyay madaxweynayaaasha labadaas dal, Maxamuud Axmedinajad iyo Cabdi-rabbu Mansuur Haaddi.

Safiirka Soomaaliya ee Yemen, Jen. Ismaaciil Qaasim Naaji ayaa sheegay in uu si rasmi ah howshiisa u billaabay shalay oo Khamiis ahayd, uuna rajeynayo inuu wax weyn ka qabto qoxootiga Soomaalida ah ee kusoo qulqulaya dalka Yemen; dhanka kalena uu xoojinayo xiriirka u dhexeeya labada dal.

"Waxaan ka shaqeyn doonaan sidii Soomaalida ku nool dalka Yemen aan sharciyo ugu sameyn lahaa," ayuu yiri dajire Naaji oo sheegay in taasi ay tahay howsha ugu adag ee hortaalla isaga.

Dhanka kale, dajiraha Soomaaliya ee dalka Iiraan, Khaliif Kadiye Yaroow ayaa isna sheegay in laga guddoomay warqadihii aqoonsiga uuna madaxweynaha Iiraan u gudbiyay salaan uu kaga siday madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

"Howsheydu way billaabatay, waxaana ka shaqeyn doonaan sidii xiriirka Soomaaliya iyo Iiraan uu u noqon lahaa mid adag, labada dalna ay isku kaashan lahaayeen," ayuu yiri dajire Yaroow oo saxaafadda kula hadlay xarunta Iiraan ee Tehraan.

Dalka Yemen iyo Soomaaliya ayaa waxay leeyihiin xuduud badeed, waxaana sannad walba dalkaas tahriib ahaan ku galaya kumannaan Soomaali ah, kuwaasoo qaarkood dhibaatooyin loogu geysto gudaha dalka Yemen.

Balse Soomaaliya iyo Iiraan oo aad u kala fog ayaa waxaa ka dhexeeyay xiriir ku saleysan dhanka Islaamnimada, iyadoo dowladda Iiraan ay kaalin weyn ka qaadatay samatabixintii dadkii kusoo barakacay abaaraha sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya