4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 11, 2012
Ciidammo ka kala tirsan Maamullada Ximin iyo Xeeb iyo Gal-Mudug oo ku dagaalmay deegaanka Hobyo ee Gobolka Mudug
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Wararka ka soo baxaya deegaannka Hobyo ee gobollka Mudug ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaa ku dhaxmaray ciidamo ka kala tirsan maamulada Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug.

Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in dagaallku uu bilaawday kadib markii ay ay gaareen deegaannka Hobyo ciidamo ka tirsan ilaalada madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid halka ciidamo ka tirsan maamulka Ximin iyo Xeeb oo ka biyo diiday tagista ciidamada Galmudug ee Hobyo ay isku dhaceen.

Sida uu HOL u sheegay Wariye ku sugan degmada Cadaado ee gobollka Galguduud waxaa jira khasaare ka dhashay dagaallka dhaxmaray labada dhinac, iyadoo wali ay is hor fadhiyaan ciidamada dirirtu dhaxmartay.

Wali kama aysan hadllin mas’uuliyiinta labada maamul Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb dagaallka ka dhacay deegaannka Hobyo, kaasoo u muuqda mid salka ku haya maamulka deegaankaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maamulka Galmudug uu qorsheynayo in dib loo furo degada Hobyo halka dhinaca Ximin iyo Xeeb ay arintaa ka biyo diidan yihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya