3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2012
Sanduuqa Samafalka ee Ugaas Khaliif oo lagu aas aasay Magaalada Nairobi

Arboco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Sanduuqa Samafalka ee Ugaas Khaliif waxaa dhawaan lagu aasaasay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya. Hadafka laga leeyahay aasaasida sanduuqan khayriga ah waa in lagu kaalmeeyo dadka dhibaataysan oo ay ugu horeeyaan, agoonta, naafada, dadka saboolka ah dadkaas oo ku sugnaan kara meel walba oo ay dad Soomaaliyeed ku nool yihiin. Sababaha kale ee loo aasaasay sanduuqan waxaa ka mid ah ka hor tagga dhibka ka imaada xaaladaha deg degga ah (emergency) sida fataahada wabiyada, abaaraha iwm.

Si howsha sanduuqan ay si fiican ugu socoto ayuu Ugaas C/Raxmaan u xil saaray gudi ku sugan magaalada Nairobi inay mas’uuliyada guud ee sanduuqan qaadaan inkastoo ay la shaqayn doonaan gudigan dhamaan dadka khayrka jecel ee aduunka ku kala firirsan.

Waxaa dhamaan dadka khayrka jecel laga codsanaayaa inay nala soo xiriiraan si ay arinkan nagala shaqeeyaan.

Sanduuqu wuxuu si gaar ah u danaynayaa dad u mathala magaalooyinka kala duwan ee aduunka si uu u guto howshiisa.

Hadii aad rabto inaad sadaqaysato lacag ama waqtigaaga qaaliga ah fadlan nagala soo xiriir:

254-722-727-345 ama 254-722-523-395

Waxaad kalood nagala socon kartaa faceebook: http://www.facebook.com/UgaasKhaliifFoundation?fref=ts

Hadaad rabtid in aad toos ula xariirtid Ugaaska, waxaad ka wici kartaa telefoonkiisa +254722907283.

Waxaad wixii sadaqo ah noo soo dhigi kartaa Xawaalada Amaana xafiisyadeeda kala duwan ee aduunka. Fadlan u sheeg inaad lacagtaas sadaqada ah ugu tala gashay Ugaas Khaliif Foundation.

Waxaad kalood noo soo dhigi kartaa wixii sadaqo ah:

GulfAfrican Bank, Kenyatta Avenue Branch, Nairobi. Account Name: Ugaas Khaliif Foundation. Dollar Account Number: 0720003402

Kenya Shilling Account Number: 0720003401.

Gudiga Sanduuqa ee Nairobi

1-   Gudoomiye C/risaaq Axmed Maxamed
2-   Gudoomiye ku xigeen C/Qaadir Sheikh Muumin
3-   Xoghayn Cabdi Salaad Daahir
4-   Xubin Cabdiraxmaan Aw-Daahir
5-   Xubin Fatxudiin Cali Ospite
6-   Xubin Sheikh Abukar Jimcaale

Maxamed Cabdi Waydoow (Hiiraan)
Xassan Cusmaan Xuuriye (Norway)
Maryan Xaaji Cilmi (UK)
Sucaada Diiriye (USA)
Cabdulqaadir Cali Cabdi (Xuurka) (USA)













Click here
10/10/2012 8:59 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in xilliga howgalkooda Soomaaliya uu ku xiran yahay midka AMISOM oo ay qayb ka yihiin, waxayna sheegeen in haddii howgalka ciidamada Midowga Afrika la kordhiyo ay sii joogi doonaan Soomaaliya.

10/10/2012 8:22 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Hargeysa, ayaa maanta xoriyadoodii dib ugu soo celisay laba masuul oo muddo billo ah ugu xidhnaa arrimo musuqmaasuq.

10/10/2012 8:09 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Afartan qof ayaa la sheegay inay doonayeen inay dhac geystaan u geysteen goob shidaalka lagu iibiyo iyo bankiga dhexe ee dalka Kenya, iyadoo booliisku ay ka warheleen dabadeedna toogteen, iyadoo dhowr kale oo burcad ahna ay baxsadeen.

10/10/2012 7:51 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Iyadoo wali ay jirto gurmadka loo fidinayo dadkii dhawaan ku barakacay fatahaadii ku dhuftay magaalada Baladweyne, ayaa markii ugu horeysay waxaa gurmad caafimaad u sameeyay ardeyda Jaamacada Hiiraan University gaar ahaan qeybta kuliyada caafimaadka.

10/10/2012 7:50 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — shirkii saddexda cisho u socday golaha Wasiiradda Somaliland ee lagu qiimaynayey waxqabadkii mudadii labadda sanno ee uu taladda dalka hogaaminayey madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la soo gabogabeeyey, lagana soo saaray 12 qodob oo loo baahan yahay in wax laga qabto.

10/10/2012 7:20 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan kula yeeshay magaalada Kambaala ee xarunta Uganda oo uu safar ku joogo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool ayaa ka dalbaday inay kaalin muhiim ah ka qaataan dib u dhiska dalka.

10/10/2012 6:58 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Ciidamada booliiska iyo kuwa nabad-sugidda dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ay maanta ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir waxay kusoo qabqabteen boqolaal qof iyo hub u badan bambooyinka gacanta laga tuuro.

10/10/2012 3:31 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Shil gaari oo saacado kahor ka dhacay deegaanka Meer-meerka oo qiyaastii 50km magaalada Boosaaso koonfurta kaga beegan, ayaa waxaa ku dhaawacmay gudoomiyihii gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Galan.

10/10/2012 3:25 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Ciidamada la dagaalanka Arrgagixisadda (RRU&SPU) ayaa habeenkii salaasada saqdii dhexe gudaha u galay guri ku yaalla xaafadda Goljano ee magaaladda Hargeysa.

10/10/2012 3:24 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Kulan uu ra'iisul wasaaraha cusub ee Somalia, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ugu soo bandhigi lahaa xildhibaannada baarlamaanka wax-qabadkiisa inta la ansixin ka hor oo maanta dhici lahaa ayaa dib u dhacay, iyadoo dib u dhacan lagu sheegay mid farsamo.

10/10/2012 3:23 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Qarax la aaminsanyahay in uu yahay nooca yahay miinooyinka remoteka laga hago ayaa shalay ka dhacay xaafadda Calanleey ee bartamaha magaalada Kismaayo, iyadoona uu qaraxaasi sababay khasaarooyin soo gaaray dad rayid ah.