4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2012
Kenya oo sheegtay in Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ay joogayaan halkaas inta uu socdo Howgalka Ciidamada AMISOM
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in xilliga howgalkooda Soomaaliya uu ku xiran yahay midka AMISOM oo ay qayb ka yihiin, waxayna sheegeen in haddii howgalka ciidamada Midowga Afrika la kordhiyo ay sii joogi doonaan Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Kenya, Jen. Julius Karangi ayaa sheegay in howgalka nabadeed ee Soomaaliya uu ku eg-yahay 31-KA bishan Oktoobar, ciidamadoodana ay la mid yihiin ciidamada Afrikaanka ah ee ku mideysan howgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee Midowga Afrika hoostaga.

"Ciidamada Kenya waxay ka mid yihiin AMISOM, waxayna xoreeyeen dhul cabirkiisu gaarayo 200,000 KM oo isku wareeg ah kaasoo ay ku jirto magaalada Kismaayo, halkaasoo Al-shabaab ay awood badan ku lahayd," ayuu yiri Jen. Karangi.

Sidoo kale, Jen. Karangi wuxuu sheegay in howgalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya uu markii hore ku billowday sidii ay isaga difaaci lahaayeen khatarta ay Al-shabaab ku hayso deegaannada ku yaalla xuduudda Kenya iyo Soomaaliya.

"Hadda ciidamada dowladda ayaa gacanta ku haya goobihii la xoreeyay," ayuu yiri Jen. Karangi oo sheegay in ciidamada Kenya ay sababeen in caruurtii Soomaaliyeed loo diro iskuullada, taasina ay tahay farriin wanaagsan.

Taliyaha ciidamada Kenya oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamadooda ay billaabeen inay dawo iyo raashin u qaybiyaan dadkii ku noolaa goobihii laga saaray Al-shabaab ayna qorsheynayaan inay ceelal biyoodyo u qodaan, isagoo xusay in dhaqaalaha ku baxaya howlahan ay dhammaantood bixinayso dowladda Kenya.

Dhanka kale, wasiirka gaashaandhigga Kenya, Yuusuf Maxamed Xaaji ayaa sheegay in howgalka Soomaaliya ay ka wadaan ciidamada Kenya looga dilay Al-shabaab 3,000 oo dagaalyahan, sidoo kalena looga furtay hub fara badan. Howgalkana ay ka qaybqaateen 4,000 oo ciidamadfa Kenya ah oo ka mid ah AMISOM.

"Ciidamadeennu waxay howgalka wadeen iyagoo ogsoon xuquuqda aadanaha," ayuu yiri Yuusuf Xaaji oo aan soo hadal qaadin duqeymo ay diyaaradaha Kenya ku dileen dad shacab ah oo ay ku jiraan caruur iyo dilalka bareerka ah ee ay ciidamada Kenya ka geysteen gudaha Soomaaliya.

Hadalka dowladda Kenya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli dhawaan uu wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Kenya u sheegay BBC-da in ciidamadooda aysan Soomaaliya ka baxayn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya