4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2012
Booliiska Kenya oo Bartamaha Magaalada Nairobi ku toogtay Afar qof oo ka mid ahaa kooxo burcad ah oo doonayay inay dhac geystaan

Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Afartan qof ayaa la sheegay inay doonayeen inay dhac geystaan u geysteen goob shidaalka lagu iibiyo iyo bankiga dhexe ee dalka Kenya, iyadoo booliisku ay ka warheleen dabadeedna toogteen, iyadoo dhowr kale oo burcad ahna ay baxsadeen.

Taliyaha booliiska bartamaha Nairobi Moses Ombati ayaa saxaafadda u sheegay in afartan qof la toogtay saakay aroortii kaddib markii ay isku dayeen inay xarun ay leedahay shirkadda Isgaarsiinta Kenya qabta M-Pesa iyo bakiga ganacsiga Kenya, isagoo sheegay in kooxahan ay ka mid yihiin shabakad isku xiran oo dhac ka geysta Nairobi.

"Waxaanu ka warhelnay in kooxdan ay doonayeen inay dhacaan dukaan lagu iibiyo lacagta taleefoonada lagu shubto ee M-Pesa, waxaana halkaas ku tooganay sadex ka mid ah burcada, mid kalena waxaa lagu toogtay agagaarka bankiga ganacsiga Kenya," ayuu yiri Ombati.

Booliisku waxay sheegeen inay ka helaan maydadkan laba bastooladood, sidoo kale booliisku waxay sheegeen in kooxda doonaysay inay dhacaan bankiga ganacsiga ay doonayeen inay jabiyaan darbiga bankiga, markii la arkayna ay isku dayeen inay la dagaalamaan booliiska.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in maydadka burcaddii la dilay ay goobta ka qaadeen gaadiid ay leeyihiin booliiska Kenya, iyadoo xaaladda goobihii ay ka dhaceen dilal la xiray dhowr saacadood oo xiriir ah.

Taliyaha booliiska bartamaha Nairobi ayaa sheegay inaan cidna la qaban, balse ay wadaan baaritaanno ku aaddan sidii ay kusoo heli lahaayeen kooxihii baxsaday, iyagoo sheegay in ammaanka magaalada Nairobi la adkeynayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya