4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2012
Ardayda Jaamacadda Hiiraan University oo Gurmad Caafimaad u Sameysay Dadkii ku Barakacay Fatahaadihii Baladweyne

Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Iyadoo wali ay jirto gurmadka loo fidinayo dadkii dhawaan ku barakacay fatahaadii ku dhuftay magaalada Baladweyne, ayaa markii ugu horeysay waxaa  gurmad caafimaad u sameeyay ardeyda Jaamacada Hiiraan University gaar ahaan qeybta kuliyada caafimaadka.

Ardayda oo dhaqaale ay iska ururiyeen ku iibiyay daawooyin kala gadisan ayaa dadka ku baaray ilaa sadax bar caafimaad oo ay ka sameyeen goobaha ay dadku u barakaceen, waxana baaritaanka caafimaad ka faa’ideytay boqolaal ruux oo u badnaa haween iyo caruur.

Max’ed C/llaahi Buraale (Raaxeeye) oo ah guddoomiyaha Ardayda Jaaamacada oo HOL kula hadllay deegaannka Ceel-jaale oo ay degan yihiin barakacayaasha ugu badan ayaa sheegay in madaama aysan wali dadkani helin baaritaano caafimaad garteen ardayda Jaamacada in ay daboolaan kaalintaas.

"Runtii baahi weyn ayeey u qabeen dadka in ay heleen adeeg caafimaad, mudadii aan baaritaannada wadney cudurada ugu badan oo aan aragna waxaa ay ahaayeen cudurka shubka iyo waliba cudurada ku dhaca maqaarka ama jirka, dadka daawo ayaa la siinayay, kuwa aad u liitana waxaan u soo qaadnay isbitaalka guud ee magaalada si loogu daweeyo, ilaa 62 ruux ayaan u garanay in isbitaalka loo gudbiyo oo aan u soo qaadnay,’’ ayuu yiri Max’ed C/llaahi Buraale Raaxeeye.


Raxmo Xassan Shiikh oo macalin ka ah kuliyada caafimaadka Jaamacada Hiiraan University ayaa sheegtay in talaabada ay qaadeen ardayda tahay mid muhiim ah oo ku soo beegantay waqti siweyn looga baahnaa, iyadoo sheegtay in dadka marka ay la soo darsaan dhibaatooyinka noocan oo kale ah adeegyada ay u baahan yihiin caafimaadku ugu horeeyo.

Goobaha ay dadku ku baarayeen ardayda Jaamacada ayaa waxaa siweyn ugu soo xuumay dadka barakacayaasha ah oo siyaabo kala duwan uga cabanayay xanuuno la soo darsay, waxaana dhamaantood la siiyay ama loo qeybiyay daawooyin kala duwan oo la xiriira xanuunada ay ka cabanayeen.

Ugu dambeytii, guddoomiyaha Jaamacada Hiiraan Universitay Cismaan Max’ed Cilmi (Cismaan’Caato)’ oo ardayda ku wehlinayay gurmadka caafimaad oo ay u sameynayeen dadka barakacayaasha ah ayaa sheegay in Jaamacadu mar walba u taagan tahay in ay bulshada la qeybsato dhibaatooyinka kala duwan ee la soo darsa, gaar ahaan in ay u sameyso adeegyada lagama maar-maanka ah, waxaana uu sheegay in la sii wadi doono gacanta la siinayo dadkii ku barakacay fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya