4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2012
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo sameeyay howgallo Boqolaal qof iyo hub lagu soo qabqabtay iyo askari dilay Haweeney
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Ciidamada booliiska iyo kuwa nabad-sugidda dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ay maanta ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir waxay kusoo qabqabteen boqolaal qof iyo hub u badan bambooyinka gacanta laga tuuro.

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir, G/sare Axmed Xasan Maalin iyo afhayeenka booliiska, Jen. Cabdullahi Xasan Bariise oo si wadajir ah ula hadlay saxaafadda ayaa
sheegay in howgalka oo saakay aroortii hore billlowday ay kusoo qabqabteen 346 qof iyo hub fara badan.

"Howlgalkii saakay laga sameeyay degmada Hodan ee Muqdisho wuxuu ahaa mid ay iska kaashanayaan ciidamada booliiska iyo nabadsugidda, waxaana lagu soo qabtay dadkan aad arkaysaa, markii baaritaanno lagu sameeyay waxaa la sii daayay 286, waxaana shaki weyn laga qabaa oo gacanta ciidanka ku haray 60-qof," ayuu yiri Jen. Bariise oo warbaahinta la hadlayay.

Col. Maalin oo isaguna hadlay ayaa sheegay in hubka lasoo qabtay ay ka mid yihiin 36 bambaanooyinka gacanta laga tuuro ah oo loo yaqaan F1 iyo bambooyin aanay horay u arag oo dalka ku cusub, isagoo sheegay in howlgalladan ay soconayaan inta ammaanka laga xaqiijinayo.

Guddoomiyaha degmada Hodan, Cabdi Maxamuud Warsame (Dhabareey) oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xalay bambaano aan khasaare geystan lagu tuuray xarunta degmada Hodan, lana qabtay kooxihii weerarkaas ka dambeeyay oo lasoo taagi doono sharciga.

"Howgalkan waa mid aan soo dhaweynayno, waxaana cosanasynaa inaan maanta oo keliya lagu ekeyn balse lasii joogteeyo inta ammaanka degmada laga sugayo," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Hodan.

Dhanka kale; askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa haweeney rayid ah ku toogtay xaafadda Zone K ee degmada Hodan, kaddib markii uu rasaas bareer ah ku furay goob dad shacab ah mucaawino loogu qaybinayay.

Goobjoogayaal ku sugnaa halka uu falkan ka dhacay ayaa sheegay in askariga dilka geystay uu baxsaday, dadkii gargaarka loo qaybiyayna ay meesha ku kala career, iyadoo la sheegay in askariga iyo hay'adaha gargaarka qaybinaysay uu muran soo dhexgalay ka hor inta aanu rasaasta furin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya