4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2012
Guddoomiyaha Gobolka Bari oo shil gaari ku dhaawacmay iyo ilaaladiisa qaar ka mid ah oo ku geeriyooday shilkaas
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Shil gaari oo saacado kahor ka dhacay deegaanka Meer-meerka oo qiyaastii 50km magaalada Boosaaso koonfurta kaga beegan, ayaa waxaa ku dhaawacmay gudoomiyihii gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Galan.


Dhaawaca gudoomiyaha oo ah mid sahlan waxaa xiligan lagu dabiibayaa Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso, waxaana gudoomiye ku-xigeenka gobolka Yuusuf Muumin Bidde oo HOL la hadlay uu sheegay in xaaladiisa caafimaad ay tahay mid wanaagsan.

Mudane Bidde ayaa dhinaca kale sheegay in labo askari oo kamid ahaa ilaalada gudoomiyuhu ay geeriyoodeen, iyadoo dhinaca kalena ay dhaawac yihiin 4 kale oo labo kamid ah ay xaaladoodu aad halis u tahay.

“Guddoomiyuhu dhaawac weyn ma qabo, waxaase dhintey labo askari oo kamid ahaa ilaaladiisa, labo kalena xaaladooda aad ayey dhakhaatiirtu uga dayrinayaan”.

Guddoomiyaha iyo wefdigiisa ayaa la sheegay in xiligii ay shilka gelayeen ay ku sii jeedeen dhinaca degmada Carmo oo magaalada Boosaaso 100km ka durugsan, welina ma cadda sababta shilkaas keentay, inkasta oo ay ciidamada nabadgelyada wadooyinku baaritaan wadaan.

Meer-meerka oo ah goob ay gooladaha (Jiirooyinku) aad ugu badan yihiin, waxaa sanad walba ka dhaca shilal badan, kuwaasoo ay qaarkood khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo xoogan geystaan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya