4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2012
Ciidamadda Somaliland oo Habeenkii Salaasada Gudaha u galay guri ay dad shacab ah deggenaayeen oo ku yaalla Hargeysa
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Ciidamada la dagaalanka Arrgagixisadda (RRU&SPU) ayaa habeenkii salaasada saqdii dhexe gudaha u galay guri ku yaalla xaafadda Goljano ee magaaladda Hargeysa.

Ciidamadan oo wakhti dambe oo la hurdo guriga yimid ayaa baadhitaan xoog leh ka sameeyey, isla markaana rasaas ku riday guriga dhexdeesa, waxaanay halkaasi ka soo qabteen shan nin oo uu ku jiro gudoomiyaha wargeyska Saxafi ee magaaladda Hargeysa ka soo baxa.

Ciidamadda ayaa rasaasta ku riday guriga daaradiisa, taas oo waxyeelo u geysatay guriga, isla markaana dhamaan wixii guriga yaallay shay shay u baadhay, iyagoo dhamaan agagaarka guriga iyo wadooyinka mara wada xidhay, dadkii wadooyinka u dhow dhowaa marayeyna la joojijey.

Ciidankan oo wata sagaal gaadhi ayaa abaaro kowdii habeenimo ilaa saddexdii habeenimo baadhayey guriga, Warku waxaa uu intaas ku daray in ay saacadahaas dad badan oo si kadis ah ulla kulmay hawl-galka oo jidka marayay la joojiyey inta ay hawshu socotay.

“Annigoo ka soo daadagay Jidka Idaacadda oo ku socda gurrigii, ayaa waxaa I joojiyay Ciidan xoogan, waxaan u sheegay inaan ku socdo gurriga Ilma Ibraahim gaadhigana Geerashkan ayaan dhigayaa ayaan ku idhi. dabadeed, ciidankii intay isku yaacyaaceen ayuu taliyahoodii igu yidhi waar ka bax meesha Guriga waa la baadhayaaye, maxaa dhacay ayaan ku idhi oo laga baadhayaa, waxna iima uu sheegin” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah dadka gurriga degan.

Ilaa hadda ciidanku kama hadal sababta loo baadhay guriga iyo sababta wakhtigaas habeen badhka ah rasaasta loogu furay guriga, maadaama oo gurigu ahaa guri shacab oo caruur iyo haweenba ay ku jireen, waxaana shanta qof lagu hayaa xarunta Dambi baadhista ee magaaladda Hargeysa.

Sida eheladdu noo xaqiijiyeen waxa ay sheegeen inay guriga oo ay joogeen shan nin laga qabtay, xabsigana loo taxaabay, waxaanay shantaas nin ku jiray gudoomiyaha Wargeyska madaxa banaan ee SAXAFI, Cabdifataax Dheeg, waxa kale ku jiray  laba qof oo ganacsato ah oo ka shaqaysta suuqa dhexe ee magaaladda Hargeysa.

Sidoo kale, waxay guriga ka qaateen toddoba Mobile oo ay dadka guriga degan ka ururiyeen iyo  alaabooyin kale, waxaanay sheegeen dadka degan guriga in ciidanku meel walba baadheen  ilaa xerada riyaha oo guriga hortiisa ku taalay, aadna u jajabiyeen wixii guriga yaalay intii ay baadhayeen.

“Habeen badh bay guriga soo galeen ciidan afka soo duubtay, Rasaasbay hadba dhan u riddaan, xataa Sibidhka ayay la dheceen rasaas oo gurriga waa burburiyeen meel kasta. Waxay na weydiinayeen Gurriga yaa degan, yaa gala, Telefoon badan ayaa ku soo dhacayey (ciidanka baadhayey) intii ay na badhayeen oo  waxay lahaayeen ma hesheen iyo ma hayno. Waxay na weydiinayeen Konbuyuutar..qashinkii ayay baadheen, xattaa Riyihii xeradda ku jiray ayay bahalada miinadda mariyeen. Inamaddii guriga joogayna waa ay xidh-xidheen” Sidaas waxaa tidhi hooyada qoyskan la baadhayey oo ka hadlaysay qaabka loo baadhay.

Toddobaadyadii u dambeeyey ayey ciidanka loo tobabaray la dagaalanka argagixisada ay baadhayeen guryo kala duwan, isagoo gurana noqonayaa  gurigii shanaad ee habeen badh la baadho, Islamarkaana dad laga xidho, haseyeeshee ciidanku wax jawaab ah kama bixiyaan hawl-galadoodda marka ay dhameeyaan wixii ka soo baxay, isla markaana wax raali galin ah kama bixiyaan dhibaatadda ay u gaystaan qoysaska la baadhay ee lagu xadgudbo.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland