3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2012
Qarax sababay khasaare nafeed oo kala duwan oo ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Qarax la aaminsanyahay in uu yahay nooca yahay miinooyinka remoteka laga hago ayaa shalay ka dhacay xaafadda Calanleey ee bartamaha magaalada Kismaayo, iyadoona uu qaraxaasi sababay khasaarooyin soo gaaray dad rayid ah.

Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaa lala damacsanaa ciidamo katirsan dowladda kuwa dowladda oo marayay goobta uu qaraxa ka dhacay, haseyeeshee wax khasaare ah kama soo gaarin, waxaana uu sababay dhimashada hal qof oo rayid ah iyo dhaawaca mid kale.

Goobjooge codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa HOL u sheegay in qaraxu uu ahaa mid xooggan islamarkaasina siweyn looga maqlay qeybo katirsan xaafadaha magaalada, wuxuuna sheegay in uu ku dhintay qof rayid islamarkaasina uu dhaawac kasoo gaaray mid kale.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta uu qarax nooca bambaanooyinka gacanta laga tuuro uu ka dhacay xaafadda V-Afmadow ee magaalada Kismaayo, walow aysan jirin cid wax ku noqotay.

Illaa imika lama garanayo cidda ka danbeysa qaraxyadani mana jiraan cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadaasi.

Qaraxyadani kasoo cusboonaaday magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli Xoogagga Al-shabaab ay  wacad ku mareen in ay laba jibaari doonaan weerarrada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ee dhawaan la wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya











Click here
10/10/2012 10:46 AM EST
Talaado, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Sanduuqa Samafalka ee Ugaas Khaliif waxaa dhawaan lagu aasaasay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

10/10/2012 8:59 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in xilliga howgalkooda Soomaaliya uu ku xiran yahay midka AMISOM oo ay qayb ka yihiin, waxayna sheegeen in haddii howgalka ciidamada Midowga Afrika la kordhiyo ay sii joogi doonaan Soomaaliya.

10/10/2012 8:22 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Hargeysa, ayaa maanta xoriyadoodii dib ugu soo celisay laba masuul oo muddo billo ah ugu xidhnaa arrimo musuqmaasuq.

10/10/2012 8:09 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Afartan qof ayaa la sheegay inay doonayeen inay dhac geystaan u geysteen goob shidaalka lagu iibiyo iyo bankiga dhexe ee dalka Kenya, iyadoo booliisku ay ka warheleen dabadeedna toogteen, iyadoo dhowr kale oo burcad ahna ay baxsadeen.

10/10/2012 7:51 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Iyadoo wali ay jirto gurmadka loo fidinayo dadkii dhawaan ku barakacay fatahaadii ku dhuftay magaalada Baladweyne, ayaa markii ugu horeysay waxaa gurmad caafimaad u sameeyay ardeyda Jaamacada Hiiraan University gaar ahaan qeybta kuliyada caafimaadka.

10/10/2012 7:50 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — shirkii saddexda cisho u socday golaha Wasiiradda Somaliland ee lagu qiimaynayey waxqabadkii mudadii labadda sanno ee uu taladda dalka hogaaminayey madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la soo gabogabeeyey, lagana soo saaray 12 qodob oo loo baahan yahay in wax laga qabto.

10/10/2012 7:20 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan kula yeeshay magaalada Kambaala ee xarunta Uganda oo uu safar ku joogo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool ayaa ka dalbaday inay kaalin muhiim ah ka qaataan dib u dhiska dalka.

10/10/2012 6:58 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Ciidamada booliiska iyo kuwa nabad-sugidda dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ay maanta ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir waxay kusoo qabqabteen boqolaal qof iyo hub u badan bambooyinka gacanta laga tuuro.

10/10/2012 3:31 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Shil gaari oo saacado kahor ka dhacay deegaanka Meer-meerka oo qiyaastii 50km magaalada Boosaaso koonfurta kaga beegan, ayaa waxaa ku dhaawacmay gudoomiyihii gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Galan.

10/10/2012 3:25 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Ciidamada la dagaalanka Arrgagixisadda (RRU&SPU) ayaa habeenkii salaasada saqdii dhexe gudaha u galay guri ku yaalla xaafadda Goljano ee magaaladda Hargeysa.

10/10/2012 3:24 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Kulan uu ra'iisul wasaaraha cusub ee Somalia, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ugu soo bandhigi lahaa xildhibaannada baarlamaanka wax-qabadkiisa inta la ansixin ka hor oo maanta dhici lahaa ayaa dib u dhacay, iyadoo dib u dhacan lagu sheegay mid farsamo.