6/28/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2012
Abwaan Gaariye oo xalay ku geeriyooday Norway iyo doorkiisii wacyigelineed ee uu ummadda ku lahaa

Isniin, October, 01, 2012 (HOL)- Alla ha u naxariistee waxa xalay dalka Norway ku geeriyooday abwaankii caanka ahaa Maxamed Xaashi Dhaamac Gaariye oo billihii u dambeeyey ku xanuunsanayey dalkaasi.

 

Abwaan Maxamed Xaashi Dhaamac Gaariye ayaa geeridiisa si weyn looga dareemay Somaliland, gaar ahaan magaaladda Hargeysa, iyagoo dhamaan suuqyadda iyo goobaha la iskugu yimaado lagu hadal hayey geeridda abwaanka iyo doorkii uu horumar iyo geeddi socodka nabadda ku lahaa, isagoo intii dambe xooga saaray xaga waxbarashadda iyo guubaabinta dhalinyaradda.

 

Abwaanku waxa uu ku dhashay magaaladda Hargeysa, waxaanu waxbarashadii hoose ilaa sare ku qaatay Hargeysa iyo magaaladda Sheekh, waxaanu macalin ka noqday jaamacadii ummadda ee Lafoole, waxaanu ka mid ahaa guddidii qorista afsoomaaliga, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa gabayadii tisqaaday ee silsiladii Deelay iyo Siinley ragii bilaabay ayuu ku jiray, ka dibna cadaadis badan oo la saaray ayuu dalka iskaga baxay kuna biray jabhaddii ka hor yimid nidaamkii madaxweynihii hore ee Maxamed Siyaad Bare.

 

Dalka markii dib loogu soo noqdayna waxa uu kaalin ka qaaday Nabadayntii dalka iyo waxbaristii dhalinyaradda, wuxuuna  22 sannadeed u dambeeyey wax ka dhigayey jaamacada dalka, gaar ahaan jaamacadda Camuud iyo Jaamacadda Hargeysa, kaas oo si weyn ay u dareemeen ardaydii jamaacadaha ka baxday iyo kuwa hadda jirtaba geerida abwaanka, kuwaas oo aad u xiiseen jiray maadooyinka uu u dhigi jiray, isla markaana saaxib dhow la ahaa dhalinyaradda, waxaanu uga warami jiray dhaqanka wanaagsanaa ee ummadda soomaaliyeed iyo suugaantii ay lahayd oo ka muuqda garashada iyo gobonimada dadyowga soomaaliyeed.

 

Abwaan gaariye waxa kale oo uu ahaa ninka kaliya ee sameeyey miisaanka Maansadda Soomaalidda, waxaa kale oo uu ku xeel dheeraa suugaanta iyo dhaqanka Soomaalida, inta badan marka uu ardayda casharada siinayo waxa soo buuxin jiray ardayda aanu u lahayn xiisadda markaas, kuwaas oo ku soo ururi jiray hadba galaaska uu wax u dhigayo si ay uga faa’iidaystaan, waxaanu ahaa macalin aad loo jeclaa, waxaanu sidaas ku mutaystay aftahanimada iyo khibrada uu u lahaa sugaanta, isagoo inta badan tusaaleyaal u soo qaadan jiray suugaanta ay tirin  jireen abwaanadii hore, isla markaana si farshaxanimo ku jirto ugu soo gudbin jiray gobonimadii iyo kartidii ay lahaayeen soomaalida hore iyo aqoonta ay dhulka iyo deegaankaba  u lahaayeen, taasoo ardayda ku abuuri jirtay inay jeclaadaan dhaqanka iyo suugaantii hore.

 

Geerida ku timid abwaanka waxa si gaar ah u taabatay ardayda jaamacadaha dhigata ee uu  culuunta kala duwan uu siin jiray, isagoo inta badan laba maado ka dhigi jiray jaamacadaha mid suugaanta ah iyo maaddo kale oo ardayda barata caafimaadka iyo saynisa uu siin jiray  oo la odhan jiray (Embryology) oo ka warami jirtay halka uu ka bilaabmo ilmaha yar ee caloosha hooyadii ku abuurmay iyo marxaladaha kala duwan ee uu soo maro.

 

Abwaanku waxa kale, oo ku ka soo qaybtaatay joojinta colaadaha ka socda gayiga Soomaalidda, isagoo gabay badan oo wax sheeg iyo kala qaboojinta beelihii ku diri jiray Soomaaliya wakhtigii dalka la soo galay ka tiriyey, isagoo ku baaqay in dagaaladda la joojiyo oo la wada noolaado, waxa ku jiray gabayadiisa waxyaalo uu sii saadaaliyey oo dadka qaar tilmaamaan inay imika muuqdaan wixii uu wakhti hore ka hadlay, taas oo ay ka mid tahay ciidamadda ajanabiga ah ee imika jooga koonfurta soomaaliya. 

 

Waxa jiray gabay la odhan jiray Dabo-taxan oo ka hadlayey dhaqan bedelka ku dhacay umadda soomaaliyeed iyo burburka maskaxda dadka ku dhacay,  isago tilmaamay in sidii uu guryuhu u dumeen inay dhaqanki iyo garashadii dadka soomaaliyeedna u burbureen.

 

“daarihhii burburay shalay waxa maanta kaga daran, iimaan daraantiyo nabaad guurka diintiyo kaga dhacay damiirkoo.

 

Dal waxaan ku noolahay,    saddexdii dalaaqood lagu furay dadnimadii,   dal waxaan ku noolahay runtu arag daraysoo  Daadihii la yidhi been.

 

Dus-duskiyo khiyaamadda         dunida hadday ceeb ka tahay noo dabeecad weeyaan.

 

Degmadaan ku noolahay              nin daryeel yidhaahdaa  dulli buu ka qoran yahay.

 

Dayaxii usoo baxa daamuur baa la mariyaa.

 

Mooralkaana laga dilay                      dalagyadii usoo kici lahaa

 

Markiii geella loo diray ninkii maqasha daayacay”

 

Maalintii Marxuum: Maxamed X. Ibraahim Cigaal loo doortay madaxweynaha Somaliland 1997  oo dhibaato badani jirtay iyo dagaalo beeloodyo ayaa waxa uu ka yidhi doorashadda mdaxweynaha “ Ninka dayrtan maanta u doonyeystay madaxnimo uba diidi maayee,  horta mee dalkii iyo dadkii uu xukumi lahaa.

 

Inkastoo gabayadiisu kala dhicin, Waxa xusid mudan  gabay uu ka tiriyey sida dadka ehelka iyo qaraabadda ahi dagaalkoodu u xun yahay, waxaanu yidhi “

 

  -Aheey way iyo ciil umalkeyga hiqdeyda              calool oyga nafteyda

 

ilmada iga da'aysiyo                imtixaanka i haysta

 

ma dhulkaa i ashkateeyey        ma cirkaa iga ajooday

 

ma badaa igu ugaajay            -ma abdaanan lahayn

 

ma dab baan isku ogaa           anigu aan isku daaray

 

-Islaantii curadkeeda               kolkay Eydu cunaysay

 

ax doraad odhan weyday          markii ay arki weyday

 

wax guda oy ku ilowdo           noloshii inankeeda

 

inay maanta u oydo              inteeday ku sugaysay

 

-Oori weerku ku raagayoo        geeridii odeygeedu

 

afaafkay ku banaysay            ninkii owdi lahaa

 

isagii fadhataystey             yaan u eersa nidhaa

 

-Ninkii aarsa yiqiinay          haduu aarsaday maanta

 

uu-fanayskiina guuray           iyana waa iga su'aale

 

tolow yaa colka eega            loo abaabulayaa

 

-Tolow yaa ilma-dayday        ulmadeydii u loogayoo

 

ilma dowgii ka reystay          -Yaa u aana ah maanta

 

udunteyda halowday              eebadayda ku fiiqan

 

ayaantay kululaato                kaan u eeran lahaa

 

-yaa u aana ah maanta

 

birta layska as-laayiyo           galkey siibtay ableydu

 

-yaa u aana ah maanta’

 

Mar kale dagaalka sokeeye isagoo tilmaamaya dhibtiisa waxa uu yidhi “

 

-Laba oorya walaaliyo           ilmaadeer is maquunsha

 

lama sheegin aduunkee           marka aan ugu liito

 

mar aan eeda sokeeyiyo          ilmahayga ku waayo

 

mar aan aayo la'aanta           seedigay ugu aaro oo

 

walaashay asay qaado            mar haday aqalkayga

 

haddii layga adkaadiyo          hadaan raystey idhaahdaba

 

mar lay oohin u tahay           bal maxaan istafiiday.

 

Isagoo wali dadka is dilaya la hadlaya waxa uu yidhi “ gadhlow awr kala guurtey        la arkee mar kaleeto

 

in ay ood ku kulmaana           haduu uur kala guuro

 

sow amuur culus maaha   

 

-Abley baan ramiyaa             afeeyaa shirabaa

 

adhaxdaan is jaraa              oogso baan is-idhaa

 

afweyntaan u dhacaa

 

Mar kale isagoo sii daalinaya dhibaatooyinka soomaaliya qabsan doona, haddii aan hadalkiisa la maqli waayo, waxaanu yidhi “   Aafo waa ta dambeysoo ifa-faalaha muuqdiyo            ishay leedahay maanta

 

waxba yaan af-gobaadine         intay doonto ha gaadho aramaa qarxi doonta

 

-Dharaar baa iman doonta        hadaan Eebahay ceymin

 

afku uu hadal daayo

 

-Dharaar baa iman doonta        dab munaafaq istaadhay

 

sidii aayar gubtaa                     ama duur olol taabtay

 

arligoo dhan dhameeya

 

-Dharaar baa iman doonta        iyadoo is wada weyday

 

oodo loo rogi doono

 

-Dharaar baa iman doonta        irsiqa laysku cidhiidhiyoo

 

wax la uunto la waayo

 

-Dharaar baa iman doonta        mujrim oogo madowoo

 

islaam sheeganayaa                 agablaay hambadaada

 

isa sii kaba raacsho                  ku darsoo Axmed-doolow

 

waxaan ahay xog-ogaaloo         hir fog baan arkayaa

 

orna waa maqlayaa                  waxna way urayaan

 

Aaminaay waan gabyayaa          nin abwaanana waan ahoo

 

ereygiisu tuf leeyahay               Hadeydaan i adeecinoo

 

ergedaan ahay maanta            ka abaal ka dhacdaan

 

Ilaahay balankii                       ibtilaa dhici doonta”

 

Gabaygan oo dheer waxa ku jirtay inuu sii sheegay in dhulka Soomaalida ay ciidamo ajanabi ah qabsan doonaan, waxaanay dadka qaar tilmaamaan inuu gabaygani wixii uu sheegay ay hadda jirto oo ciidamadda ajanabiga ah ee Itoobiya, Kenya iyo Ugandha inay dalka qabsan doonaan sii sheegay, kuwaas oo hadda ka hawlgala Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisha iyo magaalooyin waaweyn, waxaana gabaygaasi ka mid ahaa :

 

“ Dhulkay eyro ku fooftana        Afrikaan madmadowiyo

 

ajnabaa degi doona                   iyagaa talin doona

 

- Organkaad didiseen baa         dib idiin qabsan doonoo

 

-Dharaar baa iman doonta        engag layskugu xiira

 

oo heeca diida ilmaha              qasab loo aqbalsiiyo

 

-ciyowgaa alwanaayiyo           tukahaa uuda hayaana

 

way is calool ogyihiinoo           Qaasinow abti hee dheh

 

Galow aamusi waayey             haddii aan wax aqaano

 

-Daruuraha iba-baaliyo          afagaalaha naafiyo

 

kolkaan moorada eegay           laaxinkay ku aroortiyo

 

ninka faalka inkiiskee               ku ab-yeeshay Cibruhu

 

haddaan eega la baajin            waa sidoo abada ah

 

-Haddii aad adintaanoo          indhaha dhiig laga keeno

 

idinkoon sidan dhaamin          inaad guul urisaan

 

waa waxaan la arkeynin          Allaahu ma balaqtu

 

ilaahow markhaati ka ahow

 

“-Ahey way iyo ciil             umalkayga hiqdeyda

 

calool oyga nafteyda           ilmada iga da'aysiyo

 

imtixaanka i haysta            Anigaa is maqli waayey

 

orod bay wax i leeyihiin       ololna wuu fahmayaa

 

ayaamo is gurayaana            way igu fool adag yihiin

 

-Ahey way iyo ciil               Aaminaay magacey ba'

 

Asaagay igu wiirsay            inanteydu gumowday

 

ka irdhoobay shisheeye         ku eedoobay sokeeye

 

ehelkay ka qalooday            cidna aamini waayey

  

“-Dharaartii Alle keenana       ayni ii kordha mooyee

 

 caqli iima siyaado                 mana waayo arkaayo

 

 wax kastood akhridaan          waxaan ahay Alle doori

 

 seed dhanina aanay ku oolin

 

Mar uu ka hadlayey qabyaalada xumaanteeda waxa uu yidhi

 

-Uf qabiilka anaa leh wuxuunbaa ku adeegta,  nin iskii kartidiisa,  isagoon cid ku tiirsan,  isku taagi kareynin,   una haysta ateero,    ayaantuu dambi geystana,    laga hoos galo eeda.

 

-sidaan aaminsanahayna  abkuu doono ha sheegtee

 

wuxuunbaa ehel ii ah dadka kaan af aqaano

 

ee  si wax iila arkaaya ee ina midayso ujeedo”ayaa ka mid ah tixixiisii uu ummadda uga digayey qabyaaladda.

 

Alla ha u naxariista Abwaanka, waxaa tacsi u diraya Madaxweynaha Somaliland Axmed Siillaanyo, abwaano iyo ardayda jaamacadaha dalka, ilaahay ha u naxariisto.

 

 

 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online   

[email protected]

Hargeysa, Somaliland













Click here
10/1/2012 9:51 AM EST
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Taliyaha hay'adda nabadsugidda gobolka Banaadir, Col. Axmed Ereg ayaa sheegay in ammaanka Muqdisho ay adkeeyeen kadidb markii ay howlgallo isdaba-joog ah ka sameeyeen degmooyinka gobolka Banaadir.

10/1/2012 8:31 AM EST
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo isgarabsanaya ayaa goordhawayd gudaha u galay magaalada Kismaayo iyadoona ay ciidamadu magaalada kasoo galeen dhowr jiho.

10/1/2012 8:21 AM EST
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa goor-dhaw ku toogtay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan nabadoon caan ka ahaa Baladweyne.

10/1/2012 6:53 AM EST
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ayaa maalintii sedexaad ku sugan daafaha magaalada Kismaayo, iyadoona ay arintaasi keentay in dhaqdhaqaaqii ganacsi ee magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku xeeran uu hakad galo.

10/1/2012 6:49 AM EST
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Kaddib markii ay ciidamada dowladda Itoobiya iyo AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti ka baxeen saldhigyadii ay ka daganaayeen magaalada Baladweyne, waxaa arintaa ka hadllay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.

10/1/2012 4:17 AM EST
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in ajnadaha ugu horreeya ee baarlamaanku uu ka doodi doono uu yahay dastuurka cusub ee Soomaaliya, isagoo sheegay inay dib u eegis ay ku sameyn doonaan qodobbada dastuurka oo dhan.

10/1/2012 3:36 AM EST
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada Gaarisa oo ah xarunta gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya laba askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya, iyagoo ay u suurogashay inay ka baxsadaan goobta markii ay dilka askarta fuliyeen.

10/1/2012 3:12 AM EST
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xildhibaanno ah ayaa u dhoofay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay halkaasoo ay maanta kulammo kula yeelanayana maamulka gobolka, kan degmada iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo AMISOM ee ka socda dalalka Uganda iyo Burundi.