4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2012
Kooxo hubeysan oo Nabadoon Caan ah ku toogtay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa goor-dhaw ku toogtay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan nabadoon caan ka ahaa Baladweyne.

Nabadoon Bare Max’ed Xalane (Bare Ganey) ayaa ugu geeriyooday isbitaalka guud ee magaalada dhawaac ka soo gaaray rasaas ay ku weerareen kooxaha hubeysan taasoo ka haleeshay madaxa.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan oo ku aadan dilka nabadoonka goor dhow loogu geystay magaalada Baladweyne.

Hasse ahaatee waxaa jira howlgal ay durbaba sameynayaan ciidamada maamulka gobollka oo lagu beegsanayo kooxihii dilka ka danabeeyay, ilaa iyo haddana lama sheegin cid ay soo qabteen ciidamada.

Kal hore ayay ahayd markii ay sidan oo kale kooxo bastoolado ku hubeysan ku toogeen gudaha xarun uu ku lahaa magaalada Baladweyne Eng Cali Xaaji Shirwac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya