4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2012
Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Kenya oo aan weli gudaha u gelin Kismaayo iyo dhaqdhaqaaqii ganacsiga oo hakad ku jira
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ayaa maalintii sedexaad ku sugan daafaha magaalada Kismaayo, iyadoona ay arintaasi keentay in dhaqdhaqaaqii ganacsi ee magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku xeeran uu hakad galo.

Ciidamada huwanta ah ayaa dhanka waqooyi ee magaalada Kismaayo uga sugan nawaaxiga Madaxtooyada, halka dhanka galbeedkana ciidamadii joogay Birta dheer ay soo gaareen tuulo loo yaqaan Buulo Fatuuro oo ku taal afaafka hore ee laga soo galo magaalada, waxaana labada ciidan ay goobahaasi ka sameysteen dhufeesyo.

Xaaladda Kismaayo ayaa weli laga dareemayaa jawi kacsanaan ah, waxaana xiran iskuulaadkii magaalada iyo qaar kamid ah goobaha ganacsi, waxaana dadku ay yihiin kuwo dareen ku joog ah islamarkaasina isweeydinaya “ciidamadii halkay soo marayaan, iyo maxaa la sheegay”.

Ma jirto cid maanta lagu dilay gudaha magaalada, haseyeeshee magaalada ayaa weli maamul la'aan ah waxaana dadku guryahooda ku xaroodaan saaalada maqrib marka la tukado iyagoo ka cabsi qaba in ay saameeyaan falalka amni darro ee magaalada ka dhaca.

“Magaalada weli way qasantahay, qudaartii ka iman jirtay deegaanada Gosha way istaagtay, iskuulaadkii magaaladana weli way xiranyihiin,” sidaa waxa yiri Axmed C/laahi Faarax oo kamid ah dadka reer Kismaayo.

Saraakiisha dowladda KMG ayaa hore shaaca uga qaaday in aysan ku degdegi doonin gelitaanka magaalada Kismaayo, waxaana ay ciidamadu weli ku suganyihiin daafaha magaalada, mana la garanayo xilliga ay geli doonaan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya