4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 9 , 2012
Qaramada Midoobay oo Diiday in ay Maalgeliso Ciidamada Badda Kenya ee ku Sugan Soomaaliya
Jimco, November 09, 2012 (HOL) —Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa ku gacan seeyray codsi uga yimid ururka Midowga Afrika kaa oo ahaa in UN-ta ay maalgeliso ciidamada badda Kenya ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya.

Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya ay gacan weyn ka geeysteen kahortagga Al-shabaab iyo falalka Burcad badeedda ay ka geeysan jireen xeebaha Soomaaliya, waxayna ugu baaqeen hay'adda Qaramada Midoobay in ay tixgelin siiso.

Sida uu daabacay jaraa'idka Nation ee kasoo baxa dalka Kenya, Ku xigeenka Danjiraha koonfur Afrika ee Qaramada Midoobay Dr. Mashabane ayaa sheegay in sedex ilaa afar xubno oo katirsan 15-ka dowladood ee Golaha Ammaanka ay diideen codsigii uga yimid Midowga Afrika ee ahaa in la taageero ciidamada Badda Kenya ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya.

Dowladda India oo imika  heysa hogaanka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa fadhiga ka sheegtay in ay ka niyad jabsantahay in ciidamada Badda laga reebo waqti kordhinta loo sameeyay Mandate-ka ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.

Wakiilka dowladda India ee Qaramada Midoobaya ayaa intaa ku daray in wadankiisa uu rajeynayo in markale arintaasi la tixgeliyo, islamarkaana loo arko mid muhiim u ah howlgalka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

Ciidamada Badda Kenya ayaa waxay ku suganyihin xeebaha gobolka Jubada hoose, waxayna dowladda Kenya ku andacootaa in ciidamadaasi ay qeyb weyn ka qaateen hakinta dhaqdhaqaaqyadii Al-shabaab ay ka waday dhanka badda iyo weliba ladagaalanka burcad badeedda.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulankii ay yeesheen arbacadii aynu soo dhaafnay uga dooday arimo dhowr ah, waxaana mudo afar bilood ah loo kordhiyay ciidamada AMISOM ee howlgalka ka wada Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya