4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 9 , 2012
Maamulka Jaamacadda Kenya oo sheegay inay farac ka mid ah Jaamacadooda ka furi doonaan gudaha Soomaaliya

Jimco, November 09, 2012 (HOL) — Maamulka jamaacadda Kenya ee loo yaqaan MKU ayaa sheegay inay qorsheyanayaan inay farac ka sameystaan dalka Soomaaliya, taasoo ay sheegeen inay uga qayb-qaadanayaan dib u dhiska dalka Soomaaliya, kaddib labaatan sano oo burbur ah, sidaa waxaa sheegtay madaxa jaamacadda, Prof. Victoria Wulsin.

Prof. Wulsin waxay sheegtay in dadka Soomaaliyeed ay muddo badan oo dagaallo ah kaddib u baahan yihiin aqoon badan si ay dalkooda dib ugu dhisaan, iyadoo sheegtay in waxyaabaha ay sida gaarka ah ugu baahan yihiin ay ka mid tahay cilmiga horumarinta bulshada.

"Jaamacaddu waxay ka bixin doontaa Soomaaliya aqoon sare oo ay ka mid yihiin tababarro ay dad aqoon leh kusoo saarayso, si shacabka Soomaaliyeed ay awood ugu helaan inay dalkooda dib ugu dhistaan ayna kula soo baxaan khayraadka dalkooda ka buuxa," ayay tiri Prof. Wulsin oo wariyeyaasha kula hadlaysay Nairobi.

Madaxa jaamacaddan ayaan sheegin magaalada ay doonayaan inay faraca jaamacadooda ka furaan, iyadoo sheegtay in jaamacaddu ay horay xarumo ugu lahayd dalalka Ruwanda iyo Suudaan, ayna hadda waddo qorshe ay ku doonayso inay xarumo kale kaga furto dalalka Uganda iyo Tanzaaniya.

Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe waxaa ka jiray dadaallo dhinaca waxbarashada ah oo ay wadeen aqoonyahanno Soomaaliyeed, waxaana hadda ka furan dalka Soomaaliya jaamacado ka badan 50 kuwaasoo sanad walba ay ka qalinjabiyaan kumannaan arday ah oo bartay cilmiyo kala duwan.

Lama oga sida ay wax uga bedeli karto jaamacaddan cusub waxbarashada Soomaaliya, waxaase madaxda jamacaddan ay ku faaneen inay qayb libaax ka qaateen dib u dhiska dalka Ruwaanda oo sannadkii 1994-kii uu ka dhacay dagaal sokeeye oo lagu dilay in ka badan hal milyan oo qof.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya