4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 9 , 2012
Madaxweynaha Somaliland oo Xariga ka Jaray Wado laami ah oo isku Xiraya Degmada Sallaxley iyo Magaalada Hargeysa [SAWIRRO]

Jimco, November 09, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta xadhiga ka jaray wejigga koowaad ee wadada isku xidha Magaalada Salaxley iyo magaaladda Hargaysa.

Wadadan oo ah mid laami ah ayaa dhererkeedu yahay 13 KM, waxayna ka baxdaa dhinaca koonfureed ee magaaladda Hargeysa, taas oo noqon doonta wejigii kowaad ee wadadaasi, isla markaana la sii waddi doonno, waxaanay guddidda horumarinta degmadda Sallaxley madaxweynaha ka codsadeen inay xukuumad ahaan qaybtoodda ku darsadaan mashruucan wadda samaynta ee dadka deegaankaasi iska kaashadeen hirgalinteedda.

Madaxweynaha Waxa ku wehelinayey safarkiisan Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi xubno ka tirsan golaha wasiirada, Xildhibaano labada gole ka tirsan, salaadiin iyo dadweyne kala duwan.

Waxa ugu horayn halkaas ka hadlay gudoomiyaha gudida dhismaha Wadada Cad Mr Cali Ibrahim Maxamed waxaanu ka waramay marxaladihii ay soo martay wadadani oo la dhisay wakhtigii gumaysiga talyaaniga, isla markaana ay burburtay dayac tir la’aan soo wajahday awgeed ,Waxaa kale oo Gudoomiyahani sheegay in dhismaha Wadadan ay ku baxday Adduun dhan Todoba Boqol oo Kun oo dollar, oo ay 99% bixiyeen dadka kasoo jeeda deegaanka Sallaxlay.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo hadal kooban ka soo jeediyey xafladan xadhiga laga jarayey wejiga kowaad ee wadadan laamid ah ee loo yaqaan wada cad, ayaa ballanqaaday in Xukuumadda Somaliland ay taageero ka gaysanayso dhismaha iyo dhamaystirka wadadaasi,isagoo Intaas ku daray in arrintani Muujinayso Iskaashiga ay bulshadu samayso inuu lagu gaadhi karo horumarka aynu qaran ahaan higsanayno.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha Md Maxamed Nuur Carraale (Duur), Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland Md Maxamed Cabdilaahi Cumar, wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr:Xuseen Muxumud Maxamuud, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse Xaaji cabdikariin Xuseen (X. Cabdi waraabe) iyo salaadiin kala duwan, ayaa halkaasi hadallo dhiirigalin ah ka soo jeediyey, iyagoo dadweynihii ka qaybqaatay dhisidda wadan uga mahadceliyey.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi lacago qaadhaan ah kaga dhawaaqay dhawr shirkadood oo sheegay inay ka qaybqaadanayaan inta hadhay wadadan.

Bilihii u dambeeyey ayaa dadweynaha somaliland mashaariic iska wac u qabso ah ka hirgaliyeen deegaanadooda, kuwaas oo marka dambana ay xukuumaddu qaybteedda ku darsato.

 

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland