4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 9 , 2012
Wariyeyaal ku xayirnaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo muddo 36-saacadood ah oo dib loogu celiyay Magalaada Muqdisho

Jimco, November 09, 2012 (HOL) — Wariyeyaal tiradoodu gaarayso 12 oo muddo 36-saacadood ah ku xayirnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa shalay gallinkii dambe dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Faarax Cabdi Warsame oo ka mid ah wariyeyaashii dib loogu soo celiyay Muqdisho ayaa sheegay in loo diiday inay galaan magaalada Kismaayo oo ay howlo shaqo ugu socdeen, isagoo xusay in maareeyaha garoonka uu ku amray inaanay geli karin gudaha magaalada oo ay ku sugnaadaan garoonka.

"Mudaddii aan xayirnayn oo gaaraysay 36 saacadood, waxaan ku sugnayn teendho yar oo garoonka ka dhex-dhisan, soo laabashadeennuna waxay ahayd mid dadaal badan loo galay," ayuu yiri Faarax Cabdi Warsame oo ka mid ah sawir-qaadayaasha wakaaladda wararka AP.

Suxufiyiintan ayaa waxay la socdeen markii ay tagayeen Kismaayo aroornimadii hore ee maalintii Arbacada ahayd wafdi ka socday dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo maamulka Kismaayo iyo ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ay u diideen inay gudaha u galaan magaaladaas.

Wariyeyaashan waxay sheegeen in intii ay ku sugnaayeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ay u jeedeen difaacyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ka sameysteen hareeraha garoonka, iyagoo ku tilmaamay halkaas goob ammaankeeda aad loo adkeeyay.

Magaalada Kismaayo ayaa waxay gacan ugu jirtaa muddo bil ka badan ciidamada dowladda, kuwa Kenya ee ka tirsan AMISOM iyo xoogagga Raaskambooni, waxaana ka taagan muran ku saabsan dhoofinta dhuxusha oo aysi weyn u diiddan tahay dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya