4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 9 , 2012
Dagaal culus oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray Gobolka Shabeellada Hoose

Jimco, November 09, 2012 (HOL) — Ugu yaraan toban ka mid ah dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada hoose, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa qarxay markii xoogagga Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana dagaalkan oo dhacay Khamiistii shalay uu ahaa mid xooggan iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

"Khasaare badan ayaa dagaalka ka dhashay, waxaana khasaaruhu uu u badnaa dhinaca Al-shabaab, waana ka adkaannay," ayuu yiri Axmed Jaamac oo ka mid ah saraakiisha dowladda Soomaailya oo la hadlay Press TV oo laga leeyahay dalka Iiraan.

Tirada dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inay sare u dhaafayso 21-qof, iyadoo aan la sheegin shacab wax ku noqday dagaalkaas oo socday muddo saacado ah. Iyadoo dagaalkan ay qayb ka ahaayeen ciidamada AMSIOM ee gacanta siinaya ciidamada dowladda Soomaaliya.

Deegaanka Leego oo 110-km dhinaca galbeed kaga beegan Muqdisho ayaa wuxuu ka mid yahay deegaanadii Al-shabaab looga qabsaday dagaalladii ugu dabeeyay ee dhexmara iyaga iyo ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Xarakada Al-shabaab oo tan iyo sannadkii 2006 isku dayaysay inay xukunka ka tuurto dowaldda Soomaaliya ayaan ka hadlin khasaaraha kasoo gaaray dagaalka, waxaana dagaalkan uu ka mid noqonayaa dagaalladii ugu cuslaa ee dhexmara ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya