4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 9 , 2012
Kooxo hubeysan oo Xalay Muqdisho ku dilay laba qof oo uu ku jiray Askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda Soomaaliya

Jimco, November 09, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay laba qof oo uu ku jiray Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ku dilay degmooyinka Huriwaa iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, iyadoo kooxahan ay u suurogashay inay baxsadaan.

Askariga ka tirsan ciidamada dowladda ayaa lagu dilay isgoyska Howlwadaag, iyadoo sidoo kale ay kooxaha askariga dilay bam-gacmeed ku weerareen saldhiga ay ciidamada dowladdu ku sugnaayeen, iyagoo markiiba goobta ka baxsaday.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in maydka askariga la dilay ay goobta ka qaadeen ciidammo kale, iyadoo ay ciidamadu billaabeen howgallo ay ku baadi-goobayaan kooxihii weerarka geystay. Inkastoo aysan u suuro-gelin inay qabtaan.

Dhanka kale, kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa iyaguna laba qof oo shacab ah ku toogtay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa, iyadoo kooxaha dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, lama oga sababta keentay in ruuxan rayidka ah la dilo.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa inta badan u eedeeyay falalka ammaan-darro ee ka dhaca Muqdisho inay ka dambeeyaan xoogag taabacsan Al-shabaab, waxaana falalkan ay imaanayaan iyadoo dhawaanahan ay ciidamadu dowladdu ka sameynayeen Muqdisho howgallo lagu sugayo ammaanka.

Inkastoo Xarakada Al-shabaab aysan sheegan inay ka dambeysay dilalkii xalay ka dhacay Muqdisho ayaa haddan waxay horay u sheegeen inay weli ay ka howlgalayaan magaalada Muqdisho, waxaana toddobadkan ay qaraxyo khasaare geystay ay ku weerareen baar ku yaalla Muqdisho iyo bannaanka hore ee xarunta baarlamaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya