4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 8 , 2012
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo dalbaday inaan xukuumadda cusub la ansixin inta laga dhameystirayo
Khamiis, November 08, 2012 (HOL) — Xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan ayaa u gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa u gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya qoraal ay ku codsanayaan inaan la ansixin xukuumadda inta laga soo dhameystirayo.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ah xildhibaanndii qoraalka u gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka oo u warramayay idaacadda VOA-da ayaa sheegay in iyagoo cuskanaya qodobka 97-aad farqaddiisa labaad oo dhigaysan in xukuumadda ay ka kooban tahay wasiirka koowaad, wasiirro, wasiir ku xigeenno iyo wasiir u dowlayaal ay qoraalkan u gudbiyeen guddoomiyaha baarlamaanka.

"Innagu ma doonayo inaan horistaagno xukuumadda cusub in la ansixiyo, balse waxaan doonaynaa in la ilaaliyo sharciga dalka, waayo dastuurka ayaa qaba in la horkeeno baarlamaanka xukuumad dhameystiran," ayuu yiri xidhibaan Xoosh.

Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu u sheegay in qoraalkooda uu u gudbin doono madaxweyne, Xasan Sheekh iyo ra'iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

"Xukuumadda oo dhameystiran ayaan doonaynaa in la horkeeno baarlamaanka si codka kalsoonida loogu qaado, balse in xukuumadda qaarkeed la ansixiyo waxay noqonaysaa in dastuurka lagu tunto, taasna ma ogolaan karno," ayuu xildhibaanku ku sheegay wargeysiga uu siiyay VOA-da.

Mudanayaasha gudbiyay qoraalkan ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa soddomeeyo, iyadoo lagu soo beegay qoraalkan xilli lagu wado in maalinta Sabtida ah la horgeeyo xukuumadda cusub baarlaamaanka si codka kalsoonida ah loogu qaado.

Qoraalka ay gudbiyeen xildhibaannadan baarlamaanka ka tisran ayaa imaanaya xilli shacabka Muqdisho ay maanta sameeyeen dibadbax ay ku taageerayaan golaha wasiirrada cusub, kagana dalbadeen xidlhibaannada inay codka kalsoonida ah siiyaan xukuumadda cusub.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya