4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 8 , 2012
Saraakiisha Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay inay soo qabteen Askari Degmada Baladweyne ku dilay qof rayid ah
Khamiis, November 08, 2012 (HOL) — Saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan ee ku sugan magaalada Baladweyne oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan askari si qalad ah gudaha magaalada Baladweyne ugu dillay qof rayid ah.

Taliyahay baliiska maamulka gobolka Hiiraan Col. Cali Dhuux Cabdi Mahad-Alle ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan sida uu hadalka u dhigay gacan ku dhiiglaha dilka u geysay qofka rayidka ah.

"Sharciga ayaa la horkeenayaa si uu uga jawaabo sababta keentay in uu dillo ninka dhalinyarrada ah, annaga sida aynu warka ku heyno askariga in qof dumar ay uga dacwootay oo muran uu dhaxmaray marxuumka la dilay,’’ ayuu yiri taliyaha baliiska maamulka gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in marnaba maamulku raali ka noqon doonin qof rayid ah leyska toogto sabab la’aan, dhawaanna sharciga la horkeeni doono sida uu hadalka u dhigay gacan ku dhiiglaha falkaas geystay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada maamulku ku raad joogaan qofkii dumarka ah ee ku qal-qaalisay askariga toogashada, iyo waliba shaqsi kale oo la sheegay in uu la socday askariga wax dillay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya