4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 8 , 2012
Bannaanbax lagu Taageerayay Xukuumadda Soomaaliya oo uu ka qaybgalay Ra'iisul Wasaare Saacid oo ka dhacay Muqdisho

Khamiis, November 08, 2012 (HOL) — Dibadbax lagu taageerayay xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo uu ka qaybgalay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) iyo xubno wasiirradiisa ka mid ah ayaa ka maanta oo Khamiis ah ka garoonka kubadad cagta Koonis Stadium ee magaalada Muqdisho, iyadoo dibadbaxaas lagu codsaday in baarlamaanku uu kalsoonida siiyo xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

Bannaanbaxan ayaa waxaa ka qayb-galay haween Soomaaliyeed, dadweyne fara badan, fannaaniin iyo barbaarta gaashaaman, kuwaasoo kusoo bandhigay goobta heeso iyo erayo ay ku taageerayaan xukuumadda cusub ee Soomaaliya, iyadoo haweenku ay sheegeen inay taagnaan doonaan inta laga ansixinayo xukuumadda cusub ee ka kooban 10-ka wasiir.

"Waan taagnaan doonnaa, waxaan sugaynaa in dhegeheenna maqlaan war farxad-geliya, waxaana rajeynaynaa in baarlamaanku uu yiraahdo waan qaadannay, haweenkuna iyagaa xilligan xukuumadda ilaashan doona," ayay tiri guddoomiyaha haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baar-qab oo dibadbaxa ka hadashay; iyadoo sidoo kale xukuumadda ka dalbaday inay la timaaddo waxqabad muuqda.

Fannaaniin hobollada waaberi ayaa bannaabaxaas kusoo bandhigay heesoo ay ku taageerayaan xukuumadda cusub ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale shiribyo iyo suugaan kala duwan soo bandhigay barbaarta gaashaaman iyagoo xukuumadda ku boorriyay inay xil weyn iska saarto wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogan.


Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo isaguna hadal ka jeediyay dibadbaxa ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay muujiyeen sida ay u taageersan yihiin xukuumadda ka kooban 10-ka wasiir, isagoo sheegay inay baarlaamanka ka dalbanaynaa inay raacaan dareenka shacabka, maadaama shacabku ay muujiyeen inay raalli ka yihiin tobanka wasiir.

"Haddaad tihiin xildhibaannada baarlamaanka waxaad matashaan shacabka, haddii aad ka leexataan dareenka shacabka matalaaddiinna shaki ayaa galaya, waayo shacabku waa hadlay waxayna yiraahdeen tobanka wasiir ayaan ka sugaynaa waxqabad," ayuu yiri mudane Tarsan.

Duqa magaalada Muqdisho wuxuu sidoo kale hambalyo u diray ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, isagoo u rajeeyay in isaga iyo xukuumaddiisa ay kasoo baxaan howsha adag ee sugaysa oo aysan noqon kuwo ka faa'iideysta fursadda la siiyay, wuxuuna intaas ku daray in shacabku ay garab-istaagi doonaan xukuumaddooda.


Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in isaga iyo golihiisa wasiirrada ay ballanqaadayaan inay howshooda laba jibbaaraan wax walba haku qaadatee, sidoo kalena ay suurogelin doonaan in sannadkan kiisa kale la isugu yimaado jawi ka wanaagsan midka maanta lagu jiro.

"Soomaaliya meesha ay hadda joogto meel ka wanaagsan inaan gaarsiinno ayaa naga go'an. Waayo waxaanu akhrinnay erayadii aad sheegteen iyo shucuurta ka muuqata wajiyadiinna, waxaana hubaa inaan si wadajir ah uga qaadi karno halka ay Soomaaliya maanta taallo," ayuu yiri ra'iisul wasaare Shirdoon.

Bannaanbaxan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu weynaa oo lagu taageerayo golaha wsiirrada cusub oo ka dhaca Muqdisho, iyadoo lagu soo beegan dibadbaxan xilli lagu wado in maalinta Sabtida ah ee soo socota la horgeeyo xukuumadda si loogu qaado codka kalsoonida.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya