4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 8 , 2012
Xukuumadda Uganda oo ku adkeysanaysa inay ciidamadeeda Nabad Ilaalinta ah kala baxayso dalal ay ku jirto Soomaaliya
Khamiis, November 08, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa ku adkeysanaysa inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya, haddii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku adkeysto go'aankoodii ahaa in Uganda ay taageero siiso jabahadda M23 ee ka dagaalanta bariga dalka DR Congo.


Saraakiil ka tirsan ciidamada Uganda oo magacyadooda qariyay ayaa sheegay inay Uganda ay u qabatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay muddo toban maalmood oo kama dambeys ah inay ku beeniyaan eedeynta dalkooda loo jeediyay, iyagoo xusay inay taasi keeni karto in ciidamada Uganda ay sii joogaan Soomaaliya.

"Xalka keliya waa inaan ciidamadeenna kala baxno dalal ay ku jirto Soomaaliya oo ay howl adag ka hayaan," ayay saraakiishan u sheegeen warbaahinta qaarkood, iyadoo hanjabaadda Uganda ay si aad ah uga hadleen golaha ammaanka ee UN-ka inkastoo aysan go'aan cad ka qaadan.

Ra'iisul wasaaraha dalka Uganda, Amama Mbabazi ayaa baarlamaanka dalkiisa u sheegay toddobaadkii lasoo dhaafay inay ka go'an tahay inay ciidamadooda kala soo baxaan dalalka Soomaaliya, Afrikada Dhexe iyo DR Congo oo ay howlo nabad ilaalin ah u joogaan, haddii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku adkeystaan eedeynta ay dalkooda u jeediyeen.

"Go'aankan waxaanu qaadannay kaddib wadatashiyo aan la sameynay walaalaheen Midowga Afrika iyo dalalka gobolka, waxaana naga go'an inaan gabi ahaan kala soo baxno ciidamadeenna dalalka Soomaaliya, DR Congo iyo Afrikada dhexe," ayuu yiri Mbabazi.

Ciidamada Uganda ayaa ah kuwa ugu tirada badan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya oo tiradoodu ka badan tahay 17,000 ee askari, kuwaasoo deegaanno ay ku jirto magaalada Kismaayo kala wareegay xoogagga Xarakada Al-shabaab.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa kaddib markii kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ee dhinaca siyaasadda, Wendy Sherman ay toddobaadkii hore sheegtay in ciidamada Uganda ay sii joogi doonaan Soomaaliya, kaddib kulan ay la yeelatay madaxweyaha dalkaas Yoweri Museveni.

Sherman, ayaa sheegtay inay ku kalsoon tahay qorshaha madaxweynaha Uganda ee ku aaddan ka shaqeynta nabadda gobolka oo dhan, iyadoo sheegtay in arrinta uu aad uga walaacsan yahay ay tahay eedeynta dalkiisa loosoo jeediyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in haddii uganda ay ciidamadeeda kala baxdo dalka ay taasi keeni doono dhibaatooyin waaweyn oo dalka soo wajaha, waxayna madaxda dowladda Soomaaliya ka dalbadeen Uganda inay ciidamadeeda qayb kasii ahaadaan howgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya