4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 8 , 2012
Wariyeyaal loo diiray inay galaan Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose oo ku xayiran Garoonka Diyaaradaha Kismaayo
Khamiis, November 08, 2012 (HOL) — Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa ku xayiran 12 wariye oo loo diiday inay galaan magaalada Kismaayo, kuwaasoo la socday wafdi isugu jira dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo gallinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Kismaayo, balse loo diiday inay magaaladaas galaan.

Inkastoo wafdigii AMISOM iyo dowladda Soomaaliya ay dib ugu soo laabteen gellinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho ayaa haddana waxaa ku xayiran garoonka 12-kii wariye ee la socday wafdigan kuwaasoo la doonayay inay soo tabiyaan safarka wafdigan.

"Waxaa garoonka ku xayiran 12 wariye oo la socday wafdi ka socday dowladda iyo AMISOM, welina waxaan ku xayirannahay garoonka waxaana codsanaynaa in dib naloogu celiyo magaalada Muqdisho," ayuu yiri Faarax Cabdi Warsame oo ah sawir-qaade ka tirsan wakaaladda wararka Mareykanka ee AP.

Faarax Warsame, wuxuu sheegay in maamulka magaalada Kismaayo ay u diideen inay galaan magaalada Kismaayo ayna tan iyo shalay ku xayiran yihiin garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

"Suxufiyiinta ku xayiran halkaan waxay isugu jiraan kuwo u shaqeeya wakaaladaha wararka, telefishinnada caalamiga ah sida Al-jazeera iyo wariyeyaal kale oo ka howlgala warbaahinta Muqdisho, mana jirto dhaqdhaqaaq ku aaddan in dib naloogu celinayo Muqdisho," ayuu yiri Faarax AP.

Wariyeyaashan ayaa waxay noqonayaa kuwii ugu horreeyay oo maamulka ka jira degmada Kismaayo uu ku xanibo garoonka diyaaradaha magaaladaas, iyadoo la sheegay in wafdiga ka socday dowladda ee ay la socdeen wariyeyaashan uu ahaa mid u kuurgalayay dhoofinta dhuxusha ee ka billaabatay dekedda Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya