4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 8 , 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Mareykanka Barack Hussein Obama oo dib loo doortay
Khamiis, November 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa u diray madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Hussein Obama oo dib loogu doortay inuu hoggaamiyo Mareykanka afarta sano ee soo socota.


Barack Obama ayaa doorashada madaxnimo ee dalka Mareykanka kaga guuleystay shalay oo Arbaco ahayd murashaxii la tartamayay Mitt Romney oo xisbiga Jamhuuriga ka socday, kaddib markii uu helay 303 cod halka uu Romney la ka helay 206.

"Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan kuusoo dirayaa hambalyo diirran oo ku aaddan doorashada mar kale laguu doortay xafiiska hoggaaminta dalka Mareykanka, waxaana kuu rajeynayaa guul," ayuu madaxweynuhu ku yiri warsaxaafadeed uu soo saaray.

Sidoo kale, madaxweyaha Soomaaliya wuxuu shacabka Mareykanka u diray tahniyad ku aaddan dib doorashada madaxweyne Barack Obama loogu doortay inuu sii hoggaamiyo shacabka iyo dalka Mareykanka afarta sano ee soo socota.
 
"Mareykanku iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, waxaana doonaynaa in lasii xoojiyo wadashaqeynta dhow ee labada dal u dhexeysa lana xoojiyo xiriirkooda laba geesoodka ah," ayuu Xasan Sheekh ku yiri warka uu kasoo saaray xafiiska Muqdisho.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ku boorriyay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka inuu sii xoojiyo darisdda caqbadaha caalamka, isagoo xusay inuu ku kalsoon yahay inuu door wanaagsan ka ciyaari doono wajihidda arrimaha ka taagan dunida.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya