4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 8 , 2012
Golaha Ammaanka ee QM oo Muddada u kordhiyay AMISOM iyo Muran ka taagan Cunno-qabteynta hubka Soomaaliya
Khamiis, November 08, 2012 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay Arbacadii shalay ku yeesheen xaruntooda New York waxay muddo afar bilood ah ku kordhiyeen xilliga shaqo ee ciidamada Midowga Afrika AMISOM, xilli ay dowladda Uganda ku hanjabtay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya.


Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhanka kale ku qaybsan in cunno-qabteynta hubka ee saaran Soomaaliya laga qaado iyo in kale, iyadoo dib loo dhigay ka hadalka arrintan oo Midowga Afrika uu dalbaday.

Dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa dadaal weyn u galay in howgalka AMISOM ee Soomaaliya lagu kordhiyo muddo hal sano, balse ugu dambeyn golaha ammaanka wuxuu isku raacay in afar bilood oo lagu kordhiyo xilliga ay AMISOM shaqeynayso.

Safiirka Birtain ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Mark Lyall Grant ayaa sheegay in inkastoo xaaladda Soomaaliya ay kasoo hagaagayso sidii hore, haddana uu qaraxii shalay ka dhacay xarunta baarlamaanka ee dilay halka qof uu muujinayo in weli ay khatari ka jirto Soomaaliya.

"Waa inaynu siinno dowladda cusub ee Soomaaliya fursad ay ku dhisto dalkeeda iyo siyaasadaheeda kaddib labaatameeyo sano oo colaado ah. Shacabka Soomaaliyeed waxay qabaan rajo; golaha ammaankuna waa inuu sameeyo wax walba oo rajadaas u bedeli kara run," ayuu yiri danjiraha UK ee Golaha Ammaanka.

Dalal badan oo ka mid ah 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ayaa rumeysan inaan xilligan laga qaadi karin Soomaaliya cunnoqabteynta hubka ee saaran, iyagoo xusay in Soomaaliya aysan ka jirin xalaad deggenaasho oo sababi karta in cunno-qabteynta hubka laga qaado.

Sidoo kale, dhoofka dhuxusha ee ka socota magaalada Kismaayo ayuu goluhu walaac xooggan ka muujiyay, iyagoo ku tilmaamay inay cabsi ka qabaan inay ku lug leedahay Al-shabaab oo magaaladaas laga saaray bishii hore.

Ciidamada AMISOM oo tiradoodu ka badan tahay 17,000 oo askari ayaa waxay ka socdaan dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti iyo Sierra Leone, waxaana ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo xilliga howgalkooda lagu daro afar bilood, halka markii hore lagu kordhin jiray hal sano.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya