4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 8 , 2012
Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya Xaruntiisa golaha Shacabka kaddib Qaraxii shalay dhacay
Khamiis, November 08, 2012 (HOL) — Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xaruntooda golaha shacabka ee Muqdisho, kaddib qarax dilay hal qof dhowr kalena dhaawacay oo shalay ka dhacay dibadda xarunta baarlamaanka Soomaaaliya.

Kulanka maanta oo maalintii saddexaad galay ayay xildhibaanadu kaga doodayaa xeer hoosaadka baarlamaanka, kuwaasoo qodobbo k jira ay doodo dara ka taagan yihiin, waxaana sidoo kale kulammadan talooyin ka bixinaya guddi gaar ah oo loo xilsaaray ka talo-bixinta xeer hoosaadyaad baarlamaanka.

"Maanta waxaan sii soconaya ka doodista xeer hoosaadyada baarlamaanka, waxaa jira qodobbo ay xildhibaanadu diidan yihiin, kuwaasoo la doonayo in isbedel lagu sameeyo," ayay mudanayaal baarlamaanka ka tirsan u sheegeen warbaahinta.

Dhanka kale, baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya maalinta Sabtida ah in la horkeeno xukuumadda cusub si ay codka kalsoonida ugu qaadaan, iyadoo ay ka socdaan maanta Muqdisho dibadbaxyo lagu taageerayo xukuumadda.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa adkeeyay ammaanka golaha shacabka iyo dhismayaasha ku dhowdhow, iyadoo laga baqdin qabo inuu dhaqo qaraxii shalay dhacay mid la mid ah, kaasoo aannay jirin weli cid sheegatay mas'uuliyadiisa.

Weerarkii shalay ka dhacay barxad weyn oo ay gaadiidka dhigtaan xidlhibaannada baarlamaanka ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo lagu weeraro golahaas tan iyo markii lasoo xulay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo shaqeyn doona afarta sano ee soo socota.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya