4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 6 , 2012
Ciidamada Jabuuti ee Howlgalka AMISOM oo Tababar u Furay Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan

Talaado, November, 06, 2012 (HOL)—Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa ee AMISOM ayaa tababar uga furay magaalada Baladweyne saraakiil iyo ciidamo kooban oo ka tirsan kuwa maamulka gobolka Hiiraan.

Tababarka la siinayo saraakiisha ayaa socon doona mudo todobo cisho ah iyadoo sida la sheegay lagu bari doono hogaaminta iyo waliba howlgalinta ciidamada sida ay sheegeen macilimiinta tababarka bixineysa, halka tababarka ciidamadana uu socon doono mudo 15 casho ah.

Sida uu sheegay abaanduulaha ciidamada maamulka gobollka Hiiraan Col Towane Axmed Gurey tababarka ay bixinayaan saraakiisha AMISOM ayaa noqon doona mid ay ka faa’ideystaan saraakiisha iyo ciidamada loo qabtay, isaga oo sheegay in ay ka korarsan doonaan aqoon balaaran oo dhinaca ciidamada ah.

Taliyaha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa Col Cismaan Dubad oo ka hadllay furitaanka tababarka waxaa uu sheegay in howsha ay u socdaan qeyb ka tahay tababarka iyo kor u qaadista aqoonta ciidamada, waxaana uu sheegay in ay ka go’an tahay sidii ay u dhisi lahaayeen ciidamada maamulka gobollka Hiiraan.

Talaabada ay qaadeen saraakiisha ciidamada midowgga Africa AMISOM ee ku sugan magaalada Baladweyne ayaa qeyb ka aheyd qodobo dhowr ah oo ay ballan-qaadeen dhawaan markii ay kulan magaalada Baladweyne kula yeesheen odayaasha dhaqanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya