4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 6 , 2012
Soomaalida ku nool Waddanka Uganda oo ka dalbaday Madaxweyne Yoweri Museveni in Ciidamadiisa aan laga soo saarin Soomaaliya
Talaado, November 06, 2012 (HOL) — Soomaalida ku nool dalka Uganda ayaa ka dalbaday madaxweynaha dalkaas, Yoweri Museveni inuu ka laabto go'aanka ay ku doonayaan in ciidamadooda qaybta ka ah AMISOM ay uga soo saaraan Soomaaliya.


Qiyaastii 3,000 qof oo Soomaali ah ayaa ku nool dalka Uganda, kuwaasoo 16,000 oo ka mid ah ay ku nool magaalada caasimadda ah ee Kampala. Waxayna muujiyeen sida ay cabsida uga qabaan in Xarakada Al-shabaab oo dhul badan laga qabsaday ay dib u xoojiso dagaalka ay waddo.

"Uganda waxay ciidamadeeda nabad ilaalinta ah kala baxaysaa dalalka gobolka oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Afrikada dhexe, taasoo jawaab u ah eedeyntii ay u soo jeedisay Qaramada Midoobay Uganada," ayaa toddobaadkan lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha Uganda, Amama Mbabazi.

Qaramada Midoobay ayaa waxay dowladaha Uganda iyo Ruwanda ku eedeysay inay taageeraan jahadda M23 oo ka dagalaanta Bariga dalka DR Congo, waxaana taasi ay keentay in Uganda ay si aad ah uga carooto arrintaas.

Guddoomiyaha bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Uganda, Xuseen Xasan ayaa u sheegay warbaahinta dalkaas in ciidamada Uganda ay Soomaaliya u joogaan howl weyn ayna kaalin ka qaateen dib u soo celinta ammaanka Soomaaliya, sidaas darteedna ay codsanayaan inay sii joogaan Soomaaliya.

"Qaar ka mid ah qoxootiga Soomaaliyeed ayaa billaabay inay dib ugu laabtaan dalka kaddib markii ay ciidamada AMISOM ay la wareegeen Muqdisho," ayuu yiri Xuseen oo intaas ku daray: "Howshaas waxaa suurogeliyay ciidamada Uganda. Haddii ay kasoo baxaan Soomaaliya waxaa hubaal ah in Al-shabaab ay dib u soo rogaal celinayaan." Wuxuuna ugu baaqay in Uganda ay iska dhego tirto warbixinta ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Cabbaas Faarax oo ah hoggaamiyaha xerada Qoxootiga Nakivale oo 4,000 oo qof oo Soomaali ah ay qoxooti ahaan ugu jiraan kana baxsan magaalada Kampala 400-km ayaa sheegay in Al-shabaab laga adkaaday, balse haddii ay ciidamada Uganda ka soo baxaan Soomaaliya ay taasi keeni doonto marnaan xagga ammaanka ah.

"Uganda waa inaysan ku adkeysan go'aanka ciidamadeeda kula baxayso," ayuu yiri Cabbaas oo sheegay in qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda ay qaar ka mid ah doonayaan inay dib ugu laabtaan dalkooda.

Ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa ah tirada ugu badan ciidamada ka socda Midowga Afrika ee ku shaqeynaya magaca AMISOM, waxaana Uganda ay ku wayday Soomaaliya ciidammo fara badan, kuwaasoo qaarkood lagu dilay qaraxyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya