4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 6 , 2012
Meydka nin la jar-jaray oo saaka lagu arkay mid ka mid ah xeryaha Barakacayaasha ee Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari


Xerada barkacayaasha Buulo-Mingis - Bosaaso (Photo HOL)


Waxaa aroornimadii hore ee saaka lagu arkay xerada barakacayaasha Buulo-mingis oo ku taalla bariga magaalada Boosaaso, meydka nin dhalinyaro ah oo jirkiisa xubin xubin loo jaray.

Ninkan oo da'diisa dhowr iyo labaatan jir lagu qiyaasay, ayaan la ogeyn cidda dishey iyo weliba sababta, waxaana wejigiisa aqoonsaday qaar kamid ah dadkii meydkiisa dul tegey, iyadoo goobta lasoo dhigayna
ay tahay meel qashin qub ah.

Ciidamada Booliska oo markii danbe goobta soo gaarey ayaa isu soo ururiyey meydka, waxayna sidoo kale qabteen nin ay kan dhintay markii ugu danbeysey wada socdeen, lana tuhunsan yahay in uu falkan geystey.

Qaar kamid ah saraakiisha Booliska oo HOL ay xiriir la samaysay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin dheeri ah arintan ka bixiyaan, iyagoo sheegay in weli uu baaritaanku socdo saacadaha soo socdaha ay
warbaahinta la hadli doonaan.

Cali Yuusuf oo isagu ah nin ay midka la diley qaraabo dhow yihiin ayaa xusay in ay si weyn arintan uga argagaxeen, isagoo intaas raaciyey in aysan jirin cid ay horay xurgufi u dhex martay amase uu dagaal ka
dhexeeyey.

" Wiilka waxaa loo diley si arxan darro ah, hilibkiisa qaarba meel ayaa lagu tuuray, lugaha meel ayaa laga soo helay, gacmaha iyo madaxana laba meelood oo kale, mana ogin cidda sidan waxashnimada ah u
dishey " ayuu yiri.

Bulsho weynta ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa si aad ah falkan uga aragagaxay, waana markii ugu horeysey ee dil noocan oo kale ahi uu magaalada Boosaaso ka dhaco.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya