3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 6 , 2012
Hay'adda Nabadsugidda Gobolka Banaadir oo sheegay in howgallo ay sameysay xalay ku qabteen Xubno ka tirsan Al-shabaab
Talaado, November 06, 2012 (HOL) — Hay'adda nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in howgallo ay xalay sameeyeen kusoo qabqabteen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanno ku dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Taliyaha hay'adda nabadsugidda ee gobolka Banaadir, Col. Khaliif Axmed Ereg oo la hadlay warbaahinta saakay ayaa sheegay in howgallada ay sameeyeen ay ahaayeen kuwo ku bartilmaameedsanayeen shaqsiyaadka ay qabteen.

"Howlgalladu waxay xalay ka dhaceen degmada Waaberi, gaar ahaan kaamam iyo xaafado ku dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana qabqabannay dad badan, baaritaanno aan ku sameynaynna waxaan kasoo saarnay 11-qof oo ka mid ah waaxda amiyaadka ee Al-shabaab, kuwaasoo aan horay magacyadooda u haynay," ayuu yiri Col. Ereg.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in goobaha ay baaritaannada ka sameeyeen ay ahaayeen goobo ay habeenkii Jimcaha ee lasoo dhaafay lagu qabtay kooxo doonayay inay weeraraan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho.

"Degmada Waaberi waxay noqonaysaa degmadii ugu horreysay oo howgallada aan ka sameynay waa sii socon doonaan inta magaalada oo dhan laga nadiifinayo kuwa doonaya inay nabadda dhibaateeyaan," ayuu yiri Col. Ereg.

Howlgalkan ay sheegtay hay'adda nabadsugidda inay kusoo qabqabteen kooxo ka tirsan Al-shabaab ayaa wuxuu imaanayaa xilli xalay bambooyin kuwa gacanta ah lagu weeraray saldhig ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen xeradii tolmada milateriga, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
11/6/2012 5:00 AM EST
Talaado, November, 06, 2012 (HOL)—Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa ee AMISOM ayaa tababar uga furay magaalada Baladweyne saraakiil iyo ciidamo kooban oo ka tirsan kuwa maamulka gobollka Hiiraan.

11/6/2012 4:44 AM EST
Talaado, November 06, 2012 (HOL) — Soomaalida ku nool dalka Uganda ayaa ka dalbaday madaxweynaha dalkaas, Yoweri Museveni inuu ka laabto go'aanka ay ku doonayaan in ciidamadooda qaybta ka ah AMISOM ay uga soo saaraan Soomaaliya.

11/6/2012 4:22 AM EST
Talaado, November, 06, 2012 (HOL) – Shirkadda Xawilaadda Amaana xarunteeda magaalada Baladweyne ayaa gaarsiisay dad ku dhibaateysan magaalada Baladweyne deeq ay soo direen Jaaliyado ku kala nool Yurub iyo Ameerica.

11/6/2012 4:12 AM EST
Talaado, Nofember 6, 2012 (HOL) - Waxaa aroornimadii hore ee saaka lagu arkay xerada barakacayaasha Buulo-mingis oo ku taalla bariga magaalada Boosaaso, meydka nin dhalinyaro ah oo jirkiisa xubin xubin loo jaray.

11/6/2012 3:56 AM EST
Talaado, November 06, 2012 (HOL) — Kooxo Baastoolado ku hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe toogasho ku dilay mid kamid ah shaqaalaha Dekedda magaalada Kismaayo, iyadoona aan ilaa imika la garaneyn kooxaha dilka geystay.

11/6/2012 3:21 AM EST
Talaado, November 06, 2012 (HOL) — Ugu yaraan sedex qof ayaa ku dhaawacantahay qarax xooggan oo ka dhacay Xaafadda ay Soomaalidu ku badantahay ee Islii ee magaalada Nairobi.

11/6/2012 1:58 AM EST
Talaado, November 06, 2012 (HOL) — Somaliland ayaa sheegtay inay sii wadayso wadahadalladii ay kula jirtay dowladda federaalka Soomaaliya, balse waxay ku xireen sii socoshada wadahadallada in la dhameystiro shuruudihii hore ee ku socdeen wadahadallada.