4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 6 , 2012
Xukuumadda Somaliland oo sheegtay inay sii wadayso Wadahadallada u socda iyada iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya
Talaado, November 06, 2012 (HOL) — Somaliland ayaa sheegtay inay sii wadayso wadahadalladii ay kula jirtay dowladda federaalka Soomaaliya, balse waxay ku xireen sii socoshada wadahadallada in la dhameystiro shuruudihii hore ee ku socdeen wadahadallada.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdullahi Cumar ayaa sheegay in Somaliland ay ka go'an tahay inay wadahadallada lasii waddo dowladda cusub ee Soomaaliya, isagoo xusay in wahadalladaas ay u joogsadeen inta Soomaaliya ay ka baxayso xilliga kala guurka ah.

"Innagu haddaan Somaliland nahay waxaa naga go'an inaan sii wadno wahadalladii billowday ee ka dhacay London iyo Dubai, laakiin waxaan doonaynaa inaan la jabin shuruudihii hore ee ay wadahadalladu ku socdeen," ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi.

Shuruudaha ay Somaliland ku xirtay wadahadallada ayaa waxay ahaayeen inaysan ka qaybgelin wadahadallada xubno kasoo jeeda Somaliland oo matalaya dowladda Soomaaliya, taasoo ay ogolaatay dowladdii KMG ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed.

Maxamed Cabdullaahi Cumar, wuxuu sheegay inay dhankooda ka go'an tahay inay miro-dhalaan wadahadallada u socday labada dhinac, isagoo sidoo kale sheegay inaysan jirin xubin Somaliland wakiil ka ah oo ku jirta xukuumadda cusub ee lasoo dhisay, isagoo sheegay in cid walba oo ka mid noqota xukuumaddaas uu sharci ka yaallo Somaliland.

"Qofkii ka mid noqda golaha wasiirrada Soomaaliya sharci ayaa halkan ka yaalla. Ma dhacayso inuu yimaado Somaliland, balse haddii uu yimaado waxaa la xisaabtami doona ciidamada ammaanka iyo maxkamadaha," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin wadahadallada ay kula jirto Somaliland, iyadoo wasiirradda arrimaha dibadda ahna ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ay sheegtay inay diyaar u tahay inay isku keento labada dhinac oo ay sheegay inay u dhexeyso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya